Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:-Musharaxa Madaxweyne Ee C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo Kismaayo Gaaray, Hadal Culusna Ka Sheegay

Musharaxa Madaxweyne ee Jubbaland Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa si weyn looga soo dhaweeyay.

Musharax Ciilmooge ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay boqollaal qof oo ka mid ah qaybaha kale duwan ee bulshada oo ka mid ah taageerayaashiisa.

Musharaxa oo Hotel Madiina ee magaalada Kismaayo kulan kula yeeshay dad badan oo taageerayaashiisa ah, ayaa halkaas ka jeediyay hadallo calculus oo ku wajahan aqoontiisa iyo tallaabooyinka uu qaadi doono, haddii uu guulaysto.

Ciilmooga waxaa uu halkaas ka sheegay in haddii la doorto uu keeni doono maamul si dhab ah u shaqeeya, kaasoo ku salaysan is la xisaabtan.

Musharaxa oo ka hadlay dhinaca amniga ayaa sheegay in ay waxyar ku qaadan doonto in uu kooxaha nabadiidka ah uga sifeeyo deegaanada Jubbaland, kaasoo isku furi doono 15 ka degmo ee Jubbaland.

Ugu dambayn mar uu Musharaxu ka hadlay qaabka loo soo xulaya xildhibaanada Jubbaland ayuu sheegay in aanay suurtagal ahayn in 3 qof ay Guddiga Doorshada mid ka xushaan, taasoo ka hor imaanaysa ayuu yiri Nidaamka Dimoqaadiga ah,isla markaana meesha ka saaraysa rabitaankii shacabka, sidaa awgeed waa in madaxda dhaqanku keenaan halka qof ee xildhibaanka noqonaya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...