Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Odayaasha Beesha Reer Xaaji Saleebaan Ee Cadaado Oo Ka hor yimid Go’aan Uu Qaatay Ra’isulwasaare Kheyre

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka ee Beesha reer Xaaji Saleebaan, Habargidir ee ku dhaqan magaalada Cadaado ay ka hor yimaadeen Go’aanka uu magaalada Dhuusamareeb ka sheegay Ra’isulwasaare Kheyre.

Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay magaalada Dhuusamareeb ka sheegay in shirka dibu-hishiisiinta iyo Doorashada Galmudug lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ay odayaashu si wayn uga soo hor jeesteen.

Kulan ay Odayaasha ku qabteen magaalada Cadaado ayay Ra’isulwasaare Kheyre ku eedeeyeen inuu ku ballan furray, isla markaana uu iskiis u go’aansaday in awooddii Galmudug uu u raro magaalada Dhuuso-mareeb, taasoo ay ku tilmaameen mid caqab ku ah, sidii lagu heli lahaa dhismaha Galmudug midaysan.

Waxaa go’aanka Ra’isulwasaare Kheyre imaanayaa kadib markii uu maamulka Ahlu-sunna ogalaaday in Ciidamada Dawladda ka hawlgalaan magaalada Dhuusa-mareeb.

Waxaa tallaabadaan ay noqonaysaa caqabad hor leh oo soo wajahaysa Dawladda Fedaraalka oo dadaal dheer ugu jirtay sidii ay Galmudug ay uga dhici lahaayeen dibu-hishiisiin iyo doorashaba.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqanaysa in uu loolan adag u dhexeeyo beelaha Habargidir ee kala dega labada magaalo ee Dhuusa-mareeb iyo Cadaado, kaasoo aan ahayn mid si fudud xal looga gaari karo.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Magaalada Cadaado Iyo Shacabkeedu Tixgalin Khaas Ah Ayay Astaahilaan,
    Waana Magaalo Ay Cadaaladi Taalaa,
    Allaah Ha U Siyaadiyo.

    Cadaado Waxay U Qalantaa ‘Caasimada”
    Soomaaliweyn Oo Dhan Sababtoo Ah Nolosha Aadamaha Waxaa Saldhig U Ah Waa Cadaalad Iyo Alla Kacabsi.

    Dabacan Magaalooyinkaas Kale Ee Gobolku, Dhamaantoodba Wsyfiicanyihiin Laakiinse Caasimada Dhuusamareeb Ciidamadii Xabashida Ayaa Foowdo Ku Abuuray!
    Waxayna U Baahantahay In Lanadiifiyo”

    Dhinackastaba “Hubka Laga Nadiifiyo,
    Qabyaalada, In Laga Nadiifiyo, Jabhada Laganadiifiyo, Quraafaadka!
    In Laga Nadiifiyo, Gacmaha Shisheeye In Laga Nadiifiyo Hadaba SI Dhibaatooyinkaas Looga Gubo Magaaladu Waa Iney Gacanta Odayaasha Iyo Culimada Ay Kusoonoqda, Ugaas
    Xasan Waa Nin Aad U Wanaagsan, Laakiinse Awoodii Waxaa Ka Afduubtay (Jabhada Suufiyada).

    Xaqiiqatan Burburka Galgaduud Waa Waa Burburka Soomaaliweyn, Arrintaasana
    Waxbadan Ayay ‘Itoobiya’ Geed Dheer Iyo Geed Gaabanba U Fuushay.
    Ilaa Iyo Dagaalkii 1977-dii

    Caqabada Dhuusamareeb Kajitaa Waxay Kaleeto Oo A Hor Istaagantahay,
    Xorooga Iyo Dhaqdhaqaaqa Soomaali Galbeed, Khaasatan Gobolada (Qorexeey Iyo Doolo) Oo Labaduba Hoos Yimaada Galgaduud”. Iyo Waliba Gobolka Shabeelle Iyo Godeey.

    Hadaba Masiirka Culeeyskaas Leh Laguma Aaminikaro Jabhado Quraafi!!
    Ah Oo Ay Abuureen Dalalka (Kiristiyaanka) Ah Dalka Soomaaliya Kusooduuley, Culumadii Soomaaliyeedna Xabsiyada Ka Buuxiyay.




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...