Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaad ka ogtahay Halista ku duugan Xuska Maalinta YOOGA iyo Waxay Salka ku hayso !

Xukunka yoogada waxaa ka hadlay culumo badan oo caan ah, kuwaas oo tilmaamay in aysan bulshada muslimiinta u  banaanayn yoogadu  waxaana kamid ah culumadaas  Dr Zaakir Naik, Sh maxamed ibnu saalix almunjid sidoo kale waxa fatwo wadareed ka soo saaray dhammaan culumada wadanka Maleesiya taas oo ay uga dhigeen dadka musliminta ah in ay sameeyaan yoogada, waxay caddeeyeen in samaynteedu xaaraan tahay.

Waxa yaalaha ay culumadaas u cuskadeen xukunkeeda waxaa ka mid .

1: Waa jimicsi ay leeyihiin dadka qorroxda caabuda ee reer Hindiya jimicsigaas oo xidhiidh la leh cibaadadooda shirkiga ah, Nebiguna SCW wuxuu reebay in Gaalada la  metelo ( la isu eekaysiiyo)  weliba marka ay cibaado noqoto way kasii adag tahay.

2: yoogada macnaheedu waa “Midowga jidhka iyo ruuxda” Ereyga ruuxna waxay ula jeedaan  الله taas oo macnaheeda ka dhigaysa xidhidhka: jidhka iyo Alle .

3: jimicsigan waqtiga la samaynayo waxaa jira Areyo lagu dhawaaqo ku waas oo ka tarjumaya in cid Alle  aan ahayn lamagan galo, magacyo 12 ah oo qoraxdu leedahay ayaana ka mid ah ah waxyaalaha lagu dhawaaqo, maadaaba dadka hindisay qorraxda ay caabudaan.

4: Jimicsigan waxaa ka mid kuwo loo sameeyo si anshax xumo ah oo khilaafsan adaabta islaamka.

5: Jimicsigan cilmi baadhis lasameeyey waxtar uma laha jidhka bal caafimaadka ayuu wax yeelaa, waxaana ka mid ah kuwo qofka laga rabo inuu isqaawiyo qoraxdana uu isu dhigo, iyo kuwo qoraxda la eego daqiiqado badan.

6. Jimicsigan waxaa ka dhalanaya waqtiga oo lagu lumiyo wax aan faa’ido lahayn.

Arimahan waxaad ka helaysaa cilmibaadhista kala duwan ee culumada ay saameeyeen.

Sidoo kale waxaa jira kitaab la dhaho  

اليوغا في ميزان النقد العلمي تأليف: فارس علوان. 

Kaas oo si faahfaahsan ugu hadlay yoogada.

Waxaa Diyaariyey : Cabdirahman Ahmed Garaad soofe

Fiiro-gaar ah: Meelo kamid ah Soomaaliya gaar ahaan magaalada Garoowe ayaa maanta Xuska Noocan ah lagu Qabtay, iyadoo dadkii iyo madaxdii ka qayb gashay ay Suura gal tahay inaysan xog badan ka haynin Maalintan, Waxaana Rajaynayaa in Qoraalka uu Walaalkeen inala wadaagay aynu wax badan ka Faa’iidaysan doono.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Saciid Deni “Wax la yiraah waqti Kororsi kama dhici karo dalkaan, Soomaali waxay heshiis ku tahay afar sano”
- Sep 17, 2019
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay warar maalmihii la ...
DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wakiilllada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya
- Sep 17, 2019
https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/372889296990352/
DAAWO:-Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliya oo Bogaadiyay Shirka hay’adaha Maareynta xuduudaha dalka oo maanta Muqdisho ka furmay
- Sep 17, 2019
https://www.facebook.com/DalmarMediaServices/videos/398265870889952/