Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Khayre oo ku dhowaaqay Halka lagu Qaban doono Doorashada iyo Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug

Xasan Cali Kheyre Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa caawa kaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb inay ka furan tahay gogosha dib u heshiisiinta, ayna ka dhici doonto doorashada Madaxda Galmudug.

Isagoo jeedinayay khudbadda munaasabadda 1-da Luulyo ee 59-sano guurada ka soo wareegatay markii Gobolada Koofureed Xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo is raacii waqooyi iyo Koofur ayuu sheegay wixii berri ka dambeeya amniga Dhuusamareeb la wareegayaan Hey’addaha Amniga dowladda Federaalka.


“Hay’adaha Amniga Dowladda Federalka ah waa in laga bilaabo beri u diyaar garoobaan sugida Amniga Caasimadda Galmudug, Ciidama Ahlusuna ee aan ognahay kana dharagsanahay Juhdigii aay galiyeen nabadda ka jirta deegaanadaan, waa ineey u diyaar garoobaan laga bilaabo bari in la qarameeyo oo tababar loo furo”
Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Labadan qodob ayaa ka mid ahaa qodobada sida aadka ah looga dhur sugayay inay aqbalaan Ahlusuna, kaddib wada hadalo aan kala joogsi laheyd oo Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha kula jireen Madaxda Ahlusuna.

Dhinaca kale Sheekh Shaakir oo ka mid ah Madaxda Ahlusuna ayaa dhankiisa aqbalay in hey’addaha Amniga dowladda Federaalka ay la wareegaan amniga magaalada Dhuusamareeb.

” Waxaan cadeynayaa in aan aqbalnay in dhamaan ciidamada Amnigu ay ka howlgalaan dhamaan deegaanada Galmudug” Ayuu yidhi Shaakir.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Ciidamo Ehelusuno Dhuusamareeb Majoogaan. Hadiibase Ay Cidi Kajoogto
    Gobolada Kale Ee Soomaaliya Haloo Kala Dirro!

    (Shaakir Iyo Macalin Maxamuud Iyo Jenaraal Galaal) Sadexdoodaba,Dhuusamareeb Halaga Masaafuriyo.

    Hadiikale Arrintu Waa Dhuxul Hooskanool.

    Mudo 10 Toban Sanno Kabadan Ayay “Nimankaani *Ciidamada Xabashida”
    Ee Dalka Kusoodeeley,Ay (Dhuusamareeb Iyo Guriceel, Dhex fadhiyeen Xasuuqii Galgaduud Iyo Hiiraan-na Kala Qaybqaateen! Hadaba Sharcigeebaa Dhigaaya In Lagu Abaalmariyo (Lacag Iyo Caasimadii Galmudug Iyo In Suufiyadii Oo Dhan Layiraahdo, Ciidamo Qaran’ Ayaadtihiin??

    Dadkaas Wali Fakarkii Iyo Tababarkii Xabashi Ayay Aaminsanyihiin!! Waxaana Fiican In Lakala Firdhiyo” Deegaanada Ay Kayimaadeena Ay Dib Ugukala Nowdaan, Hubkadhigisna Lagu Sameeyo.

    Hidiikale Colaadii Ay Gobolada Dhexe Ka Abuureen Waligeed Madhamaandoonto,
    Waxayna Lamidtahay Xukunkii (Tigree) Meeluu Wali Kashaqaynaayo!




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...