Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaa ka cusub Xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug?

Xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug ayaa wajahaysa duufaan siyaasadeed oo ka curatay Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, Waxaana shalay halkaas gaaray wafdi ka socda Dowladda Dhexe oo uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Gudaha DFS Cabdi M. Sabriye.

Imaanshiyaha Sabriye ayaa muujiyey kala jab ku yimid isbaheysigii Dhuusamareeb, waxaana Axmed Ducaale Xaaf shalay soo saaray in Wafdiga Dowladda Dhexe imaan karin deegaanada Galmudug, inkastoo amarkaas uu ka shaqeyn waayey Dhuusamareeb oo uu ku sugnaa.

Wafdiga Dowladda ayaa la kulmay Madaxda Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, Waxaana u kala dab qaadayey Cabdi Samad Macalin Maxamuud, xog aan helnay ayaa sheegeysa in si hordhac ah wafdiga Dowladda iyo Ahlu sunna isla garteen in meesha laga saaro Xaaf, doorashana la qabtay.

Sida aan Xogta ku helayno Dowladda ayaa Ahlu sunna u ogol:

  1. in Ahlu Sunna la siiyo lacag gaaraysa 3 Milyan oo Dollar, lacagtaas oo qeyb loo hormari doono hadda.
  2. in la siiyo 30% Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug, iyo xilal kale oo laga siiyo Galmudug.
  3. in Xilal dowladda Dhexe laga siiyo.

Dhanka kale Wafdiga aayan ilaa haddda la kulmin Xaaf, waxaana socda cadaadis Xaaf lagu saarayo in qeyb ka noqo heshiis socda. Dhanka kale ciidamo wata gaadiid dagaal oo ka yimid Gaalkacyo ayaa u gubday dhanka Dhuusamareeb, ciidamadaan ayaa la sheegay inay taageero u yihiin Xaaf, waxayna ku hakadeen duleedka Godinlabe.

Xaaf ayay suurtagal ah inuu aado Gaalkacyo, inkastoo siyaasiyiin kasoo jeeda Dhuusamareeb ay ku cadaadinayaan inuusan bixin.

Xaaladda siyaasadeed ayaa isku badali karta saacado gudahood, waxaana iska soo daba dhacaya warar is qilaafsan, wixii kusoo kordha kala soco saadaalnews.net iyo baraheena bulshada Facebook & Twitter.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Xaaf’ Hadii Uu Kenya Difaacaayo,
    Muqdisho-na Cabaareeynaayo!!
    Khatar Weyn Ayuu Kuyahay
    Madaxbanaanida, Soomaaliya.

    Siyaasiyiinta Reer Baraxleey
    Galgaduud Dhaqan Wareersan’ Ayay Kusookordhiyeen, Reer Galgaduud, Waa Dad Isjecel, Dhamaantoodba Wada dhashay,. Oo Isjecel Isuna “Tanaasula
    Deegaamadooda Iyo Hantidoodaba Wadaagga.

    Laakiinse Reer Gaalkacyo
    Ama (Odey Xaaf) Waana Nin Isagu Shidada Abuuraaya Dhib Aan Jirin Iyo Masabidaad Alifaaya.

    Qof Muslim Ah Hadana Mas’uul
    Umahaboonna Inuu (Nabiibiya) Noqdo
    Sidaasi Darteed (Kooxda Suufiyada Iyo Xaaf) Xaalado Aanjirin Ayay Alifaan!
    Kadibna Dad Kale Ayay Eeda Dusha Kasaaraan.

    Cabsi Galin Iyo Bahdil Ayayna Gobolka Kuhayaan. Faragalinta Shisheeye Iyo Difaacaa Dalkana, Wax Dan Iyo Xaajo Ah Kamalahan.

    Fikirka Khaldan Ee Kenya Iyo Garoowe,
    Ay Muqdisho Kaga cararaayaan!!
    Waa Shirqool Iyo Shisheeye U Adeegid.




ad

Latest News

VIDEO: MW Biixi Oo U Soo Hanjabay MW Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...
Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho+Faahfaahinta
- Jul 20, 2019
Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South ...