Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xiisad kale oo ka dhex qaraxday Ilhan Cumar Iyo Imaaraadka iyo Sucuudiga

 Ilhaan Cumar oo kamid ah aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa khudbad ay dhawaan ka jeedisay golaha ku sheegtay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan maamullada boqortooyooyinka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta,  iyadoo ku tilmaantay inay si toos ah u taageeraan kooxaha argagixisada.

“Arrin sir ah ma aha in Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin xukuumado qallafsan oo xad gudubyo sameeya, waxayna tacaddiyadooda kusii fidiyaan dalalka kale ee caalamka. Waxay si toos ah iyo si dadban u burburiyaan dhaqdhaqaaqyada dimuqraadiyadda ee dibadda,” ayey tidhi Ilhaan Cumar.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey xustay arrin kale oo lama filaan ku noqotay dad badan, taasoo qeyb ka ah eedeynteeda. “Waxaa kale oo aan aaminsanahay in dowladahan ay maal galiyaan kooxaha argagixisada, waxaanna maqalnay inay hubka Mareykanka u sii gudbiyaan kooxda Al-Qaacida”.

Al-Qaacidda ayaa ah urur uu Mareykanku dagaal kula jiray in ka badan 20 sano, waana kooxdii sheegatay mas’uuliyadda weerarkii khasaaraha badnaa ee lagu bartilmaameedsaday daaraha Mareykanka 11-kii bishii Sitembar ee sanadkii 2001-dii.

Hadalka ilhaan ayaa u muuqda mid sii xoojinaya dagaalka ka dhaxeeya iyada iyo dowladaha ugu tunka weyn khaliijka, kuwaasoo ay sheegtay in Mareykanku uu la leeyahay xiriir aan sida saxda ah ku saleysneyn.

Xildhibaanadda ayaa sidoo kale khudbaddeeda ku sheegtay in Sacuudiga iyo Imaaraadku ay yihiin dalal Mareykanka u keenaya dhibaatooyin dhinaca amniga ah.

“Waxaan aaminsanahay in haddii aan Sacuudiga iyo Imaaraadka ku aaminno ammaankeenna iyo inay argagixisada naga difaacaan ay la mid tahay sidii adigoo qof tuug ah ku aamintay dukaankaaga”, ayey tidhi Ilhaan Cumar.

Dhawaaqa kasoo yeedhay Ilhaan ayaa kusoo aaday xilli uu Mareykanku hub balaayiin doolar ah ka iibiyay Sacuudi Carabiya.

Ma aha markii ugu horreysay ee Ilhaan ay eedeymo culus u jeediso dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxayna horay ugu eedaysay inay mas’uul ka yihiin xaaladda ka jirta dalka Yemen.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

5 Waxyaabood oo Islaamku Dunida kusoo Kordhiyey (Video)
- Jun 19, 2019
Waxaa jira waxyaabo muhiim ah oo aqoonyahanadii Islaamku dunida kusoo kordhiyeen hadana caalamku ka ...
DAAWO;-Puntland Sheegtay In Vise Ama Dalku Gal Lagu soogali Doono Deeganadeeda
- Jun 19, 2019
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay ...
DAAWO-Villa Somalia oo Qorsheysay Amniga Doorashada Jubaland
- Jun 19, 2019
https://youtu.be/dUN3ejREoJU