Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:-Madaweyne Waare Oo Gaaray Magaalada Baledweyne & Dibadbaxyo Looga Soo Horjeeda Oo Socda

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugnaa maalmahan dalka Kenya ayaa safar deg deg ah ugu laabtay Magaalada Beled-weyne oo maalmahan ay ka jireen xiisado siyaasadeed iyo dagaalo.

Waare ayaa waxaa garoonka Dayuuraddaha ee Magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Caraale.

Mar uu saxaafada la hadlay ayaa Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in sababta uu ugu laabtay Magaalada ay tahay soo afjarida xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo gaartay heer gacan ka hadal ah oo sababtay inuu ku dhinto taliyihii Booliska gobolka Hiiraan iyo askar kale.

Dhinaca kale, Markii Madaxweyne Waare uu soo gaaray Magaalada ayaa waxaa bilowday Banaanbax xooggan oo isaga looga soo horjeedo, laguna taageerayo Gudoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Dabageed.

Dadka dibed baxyada dhigayey ayaa meelaha qaar rabshado ka sameynayey, iyagoo gubayey taayero, isla markaana geedo iyo jaqafyo ku jarayey wadooyinka.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Saciid Deni “Wax la yiraah waqti Kororsi kama dhici karo dalkaan, Soomaali waxay heshiis ku tahay afar sano”
- Sep 17, 2019
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay warar maalmihii la ...
DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wakiilllada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya
- Sep 17, 2019
https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/372889296990352/
DAAWO:-Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliya oo Bogaadiyay Shirka hay’adaha Maareynta xuduudaha dalka oo maanta Muqdisho ka furmay
- Sep 17, 2019
https://www.facebook.com/DalmarMediaServices/videos/398265870889952/