Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Dagaal Xalay ka dhacay Tukaraq iyo Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo jabhadda dib u xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa xalay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalka ayaa saqdii dhexe ee xalay bilowday kadib markii dagaal-yahanno ka tirsan jabhadda ay weerar culus ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee aga’gaarka buurta “Laba-madaxleey” oo dhanka koonfur bari ka xigta tuulada Tukaraq.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday Mudo uu ka dhashay khasaare kala duwan inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn maadaama ay adagtahay in labada dhinacba xog laga helo.

Xubin ka tirsan jabhadda Khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidankooda oo ku hubaysan qoryaha garabka laga rido ay gebi ahaanba gubeen taliska ciidamada Somaliland ee buurta “Laba-madaxleey” balse wuxuu diiday in uu ka hadlo khasaaraha dhankooda gaadhay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay  Somaliland oo kaasi oo ku aadan dagaalka ka dhacay Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dhowaan ayay ahayd markii  Ay Puntland iyo Somaliland la kala wareegeen Ciidamo lagu kala Qabsaday Dagaalkii horay uga dhacay deegaanka Tukaraq.

Qaarkamid ah Saxafiyiinta Soomaalida ayaa dhankooda Baahiyey Xogta dagaalka oo Kooban.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO;-Puntland Sheegtay In Vise Ama Dalku Gal Lagu soogali Doono Deeganadeeda
- Jun 19, 2019
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay ...
DAAWO-Villa Somalia oo Qorsheysay Amniga Doorashada Jubaland
- Jun 19, 2019
https://youtu.be/dUN3ejREoJU
DAAWO:-Saraakiil Caan ah oo loo soo xiray Ugaas lagu Dilay Kismaayo!!!
- Jun 19, 2019
https://youtu.be/0ATMYKJtHgI