Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Axmed Karaash iyo Wafdi Culus oo Gaadhay Deegaanka AF-URUR oo Alshabaab laga saaray

Madaxwayne ku xigeenka Puntland   Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa gaadhay deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari, Halkaasi oo Ciidanka Puntland ay kala wareegeen  Kooxda Alshabaab oo dhowaan Qabsatay markii ay ka baxeen Ciidamadii Daraawiishta ee ku sugnaa.

Wafdiga Madaxwayne ku xigeenka ee booqashada ku jooga deegaanka Af-Urur waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdiqaadir, Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska.

Si wanaagsan ayaa loo soo dhoweeyay Wafdiga Madaxweyne ku xigeenku hogaaminayo, waxaa  ka horyimid Shacab nooc walbo leh oo ku dhawaaqaya kelmado soodhoweyn ah, waxayna dhankooda gaarsiiyeen Salaan ay ka wadeen  Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Wafdigu wuxuu socod ku dhexmaray qeybaha kala duwan ee xaafadaha magaaladda, si ay  kuurgalaan xaalada magaalada iyo dadka, kadibna waxay la shaaheen oo wakhti la qaateen shacabkii joogay goobaha laga qaxweeyo.

Kulamo Madaxweyne ku xigeenku la qaatay Ciidamada jooga Af-urur, Hogaanka dhaqanka, Ururada bulshada iyo dhallinyarada waxaa la isu wareystay si calool furan, waxayna Xukuumaddu ka jawaabtay baahiyaha lasoo gudbiyey.

Madaxweyne ku xigeen Axmed Karaash wuxuu dhiirigeliyay Ciidamada Dowladda ee ka howlgala deegaanka Af-urur, wuxuuna salaan ka gaadhsiiyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.


Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Saciid Deni “Wax la yiraah waqti Kororsi kama dhici karo dalkaan, Soomaali waxay heshiis ku tahay afar sano”
- Sep 17, 2019
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay warar maalmihii la ...
DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wakiilllada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya
- Sep 17, 2019
https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/372889296990352/
DAAWO:-Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliya oo Bogaadiyay Shirka hay’adaha Maareynta xuduudaha dalka oo maanta Muqdisho ka furmay
- Sep 17, 2019
https://www.facebook.com/DalmarMediaServices/videos/398265870889952/