Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-R/wasaare Khayre oo Dhagax dhigay Warashada Dharka Ciidamada oo Turkigu ku deeqay

Xasan Cali Khayre Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarunta warshad soo saareysa dharka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.


Warshadda oo soo saaraysa dharka ciidanka oo leh tixraan fududaynaya in askari kasta ee Soomaaliyeed uu helo labis u gaar ah, ayaa meesha ka saaraysa dharkii ciidanka ee laga keeni jiray dibadda iyo in dharka ciidanka ay isticmaalaan shaqsiyaad aan ciidanka qayb ka ahayn.

Dowladda Turkiga ayaa Warshadda iyo dhammaan waxyaabaha ay ku shaqaynayso ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya, oo hadda gacanta ku haysa, waxaana la howl gelinayaa warshadda marka uu dhimaado dhismaha ay ku shaqaynayso si ugu dambayn ay u shaqo bilawdo horraanta sannadka 2020.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa fulinaya dhismaha warshadda oo qorshuhu yahay in lagu dhammeeyo sannadkaan gudihiisa, iyada oo qalabka lagu dhisayo xarunta ay soo saarayso warshad uu leedahay taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dib loo howl geliyay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray warshadda qalabka dhismaha ayaa ku bogaadiyay taliska asluubta dadaalka ay u galeen in ay dib u howl geliyaan warshadda, waxa uuna faray in xilliga loo qorsheeyay lagu dhammays tiro dhismaha warshadda dharka ciidanka oo muhiim u ah dalka, qaybna ka qaadanaysa horumarinta amniga iyo qalabaynta ciidanka.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo maanta kulan aan caadi ahayn yeelanaya
- Aug 19, 2019
Madaxweynaha Dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeesheen ...
DAAWO:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Baardheere ayaa Al-Shabaab kala wareegay saldhiyo
- Aug 19, 2019
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Baardheere ayaa Al-Shabaab kala wareegay saldhiyo ...
DAAWO:-Wasaarada Amniga Jubbaland oo sheegtay in lagu been abuurtay
- Aug 19, 2019
https://www.facebook.com/JLTVOfficial/videos/646499089193725/