Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed oo sheegay in ay kordheen tirade horjoogayaasha kooxda Al-shabaab ee isku soo dhiibaya dawladda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Nabadiidka Al-Shabaab kaasi oo ka socda Gobolada Dalka Soomaaliya.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay inuu dar dar ku socdo howlgalka Dalka looga cirib tirayo Nabadiidka Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen; Indhaqarshe ayaa la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed Awoodda Ciidanka Xoogga Dalka in ay yihiin kuwa Dalka ka saari kara Kooxda Al-shabaab.

Dhallinyarada ay qaldeen Nabad-diidka Al-shabaab ayuu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay in ay kasoo laabtaan Fikirka qaldan ee kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas ; Daahir Aadan Cilmi, waxa uu sheegay in ka badan 30 Malleeyshiyaadka Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa isa soo dhiibista xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ku macneeyay, howl gallada is daba joogga ah ee ay Ciidamadu ka sameeyaan goobaha ay Cadawga ku dhuumaaleysanayaan.

S/gaas; Daahir Aadan, ayaa beeniyay wararka sheegaya in la jabsaday keydkii Hubka Wasaarada gaashaandhigga, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid been abuur ah.

Warbaahinta ku howlan wararka been Abuurka ah ayuu uga digay in ay ku dhaqmaan wax ka baxsan sharciga iyo nidaamka u dagsan Dalka,wuxuuna faray in ay ka digtoonaadaan

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Dawladda Somalia oo si adag uga Hadashay Duqayn Kenya ka gaystay gudaha Dalka
- Aug 25, 2019
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa si kulul uga hadashay weerarkii   Ciidamada Kenya ay ...
DHAGEYSO:-Madaxweynaha Puntland oo si Cajiib ah markii ugu horeysay kaga hadlay Maqaanka Muqsisho
- Aug 25, 2019
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay ...
DAAWO:-Cali Maxamed Geedi Fariin Culus udiray dowlada Fadaraalka Somalia
- Aug 25, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=GUxyhmq_aqY