Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Mukhtaar Roobow oo la Dhigay Cisbtaalka Digfeer iyo waxa dhacay

Sheekh Mukhtaar Roobow AbuMansuur ayaa la dhigay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho Maalmihii lasoo dhaafay, kadib markii ay Xaalad Caafimaad lasoo daristay, sida la sheegay.

Waxaa la sheegay in Abu-Mansuur uu ka xanuunsaday Kiliyaha waxa uuna Cisbitaalka ku jiray muddo 3 maalmood ah. Waxaa la dhigay qayb gaar ah oo loo diiday inta badan shaqaalaha iyo guud ahaan dadweynaha waxaana arintiisa gacanta ku haayay dhaqtar-ka ugu sarreeya Digfeer kaas oo u dhashay Turkiga.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo hadda wanaagsan oo ay xaaladiisa soo hagaagtay ayaa la sheegay in xanuunkaan Kiliyaha ah uu hore u qabay islamarkaana uu mar mar ku soo kaco.

Markuu ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale waxaa hore loo dhigay Isbitaal, waxaana sababihii uu ugu soo biiray Dowladda la sheegaa in ay qeyb ka aheyd arrintaan caafimaad.

Dhaqaatiirta Caafimaad ee Abuu Mansuur ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay waxayna u qoreen dawo iyo dhaqaatiir gaar ah oo la sheegay in ay siin doonaan dawadaasi sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Isbitaalka Digfeer.

Sidoo kale arintaan waxaa xaqiijiyay Nabadoono iyo Saraakiil kale oo ku dhow Abuu Mansuur. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO;-Puntland Sheegtay In Vise Ama Dalku Gal Lagu soogali Doono Deeganadeeda
- Jun 19, 2019
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay ...
DAAWO-Villa Somalia oo Qorsheysay Amniga Doorashada Jubaland
- Jun 19, 2019
https://youtu.be/dUN3ejREoJU
DAAWO:-Saraakiil Caan ah oo loo soo xiray Ugaas lagu Dilay Kismaayo!!!
- Jun 19, 2019
https://youtu.be/0ATMYKJtHgI