Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kaga digay Ciidamada Maamulkaasi inay dhibaateeyaan dadka shacabka

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa digniin adag u diray Ciidamada Maamulkaasi ee tacadiyada u gaysta dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Madaxweyne C/casiis Lafta gareen, ayaa sheegay in aanan loo dulqaadan karin tacadiyada Ciidamada ay gaysanayaan, waxaana Saraakiisha uu amray in si adag loola xisaabtamo Ciidamada Maamulka ee hubka dadka ku dhibaateynaya.

“Ninkii Askariga ahaa ee la rabay xuquuqda shacabka inuu illaaliyo inuu dilo wax aan aqbaleyno ma’ahan ninkii nin dila waa la tooganayaa ma ogolaaneyno in askari dambe uu qof shacab ah dilo, waxa Askariga laga doonaayo inuu u taagnaado ilaalinta shacabka.” Ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

“Waxaan aad uga xanaaqay oo uga xumaaday nin Askari ah ayaa wuxuu dilay nin darawal ah wuxuuna u dilay lacag dhan Shan kun Shilin Somali ah, dadkaasi iyaga ah inay Bulshada ku sii dhex jiraan ma aqbaleyno, gacan adag ayaana ku qabaneynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Lafta gareen.

Dabaqaayadii Bishii Ramadaan, ayaa askari ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed wuxuu Magaalada Baydhabo ku dilay nin darawal ahaa, kadib markii uu u toogtay lacag dhan Shan kun oo Shilin Somali ah oo uu ka rabay.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO;-Puntland Sheegtay In Vise Ama Dalku Gal Lagu soogali Doono Deeganadeeda
- Jun 19, 2019
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay ...
DAAWO-Villa Somalia oo Qorsheysay Amniga Doorashada Jubaland
- Jun 19, 2019
https://youtu.be/dUN3ejREoJU
DAAWO:-Saraakiil Caan ah oo loo soo xiray Ugaas lagu Dilay Kismaayo!!!
- Jun 19, 2019
https://youtu.be/0ATMYKJtHgI