Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MAWAXAY XAASIDAYAAN MID DIFAACAY DIINTA DADKA IYO DALKA SOOMAALIYEED!

 DHawaan ayuu booqasho ku tagay dalka South afrika Madaxweyne Farmaajo,kadib markuu helay macsuun ka qayb gal  caleemasaarka madaxweynaha cusub ee dalkaas Cyril Ramaphose oo ka dhacaysay magalada Pretoria 26.5.2019.


Waxaa caado u ah dadka in ay markay xaflad dhiganayaan,u yeertaan dadka ay ku tuhun san yihiin sharaf iyo karaamo in ay ku dhexleeyihiin aduunka. Gaar ahaan markay tahay munaasabadaha caleema saarka madaxweynayaasha iyo boqorada oo jecel in dadkaa sumcada iyo magaca lihi garabkooda soo istaagaan.


Madaxweyne Farmaajo oo ah madaxweyne la doortay 8.2.2017 ayaa noqday madaxweyne dadka soomaaliyeed u riyaaqeen soo bixidiisii oo ku soo baxay cod aan hortiis cidi ku guulaysan, si dhab ah oo kal iyo laab ahna dadka soomaaliyeed dal iyo dibadba isugu raaceen uguna dabaaldageen guushaa ay heleen shacabka soomaaliyeed.


Caalamka oo hore ula socday arimaha soomaaliya,ayaa ka mar khaati kacay in dadkii soomaaliyeed heleen hogaamiye ay ku kalsoon yihiin ahna mid ay mudo ku taamayeen soo bixidiisa.Markii caalamku hubsaday arinkaa iyo rabitaankaa shacabka soomaaliyeed waxay dawladihii aduunka oo dhami siku raaceen in ay si xushmadleh usoo dhaweeyaan madax weynahaas shacbkiisii sidaa u jecelyahay haystana kalsoonida buuxda.


Maxaa hadaba keenaya sumcada iyo magaca uu dunida guud ahaan iyo gaar ahaanba Madaxweyne Farmaajo ku dhexleeyahay? waxaa keenaya oo ugu horeeya khuluqa iyo akhlaaqda uu illaahay siiyay Farmaajo. Waa nin leh dabeecad iyo dulqaad iyo karaamo uu dadka kula dhaqmo.waa aamin,waa geesi, waa codkar, waa nin naxariis badan oo dadka liita u tura. waa nin aan xaqa ka waaban,waa nin ku qotama cadaalada oo neceb duudsiga,kala saraynta iyo anaaniyada.


Waa nin aan kibir iyo isla wayni aqoon,waa nin inta xun oo dhan iskala wayn,sida tuugada,khiyaanada,wax isdaba marinta,qabyaalada. waa nin jecel diintiisa,dalkiisa,iyo dadkiisa. waa nin leh han sare iyo qab sare. waa nin shaqsiyad fiican iyo akhlaaq fiican kulan saday. waa nin go aan leh. dadka noocaan ah ayaa dunida ku yar sideedaba.


Ma aha dagaal ooge,ma aha nin xukun milatari dalka ku qabsaday,shacabkiisaa jecel soomaaliyeed oo doortay oo wuxuu ku yimid doorasho baarlamaan soomaaliyeed.Mudada yar ee uu xukunka dalka hayo waxaa umada soomaaliyeed iyo caalamkuba ka markhaadi kaceen isbadalka muuqda ee durba ay soomaaliya gaartay,xag nabad galyo,xag dhaqaale,xag dawlad wanaag,halka ay awal ka ahaan jirtay wax kalaba daayoo madaxweyne iyo rasaysal wasaare is haysta oo caalamku ku kala dhex jiro ilaa wakh tigoodu dhamaado iyagoo is haysta baalkalana aanba soo rogin.


Ciidankii xooga dalka soomaaliyeed ee beelaha ahaa,hadana ahaa kuwo aan nidaamsanayn oo aan diiwan gashanayn,wuu nidaamaiyay oo isku duba riday.waxaa sare u kacay dablamaasiyadii iyo siyaasadii soomaaliyeed oo hada ah dawlad la tix galiyo oo saamayn weyn ku leh siyaasadaha caalamka ka jira,kana ciyaarta door muuqda.


Habaku uu u midaynaayo,u dhisaayo isugu keenaayo soomaaliya iyo habka uu u mideeyay geeska afrika gacmahana uu isugu saaray ehtiopia,erataria iyo jabuuti iyo suudaan waa mid taariikhdu qortay oo tiirisay. doorka uu ka qaatay isu keenida dawladaha carbeed suluxa iyo heshiisiinta iyo taladiisa fiican dunida carbeed waa mahadisay,sidaa daraadeed ayaa afrika markuu tagay south afrika loogu yeeray isagoo la xushmaynaayo waxaa soo galay madaxweynihii ahaa mandeelihii labaad ee qaarada afrika mudane Farmaajo. shacabka south afrika ayaa uuga yeera magacaa madaxweynaha aragtida dheer ee soomaaliyeed muxamed bin cabdullahi farmaajo.


Mulkiga iyo sharafka iyo akhlaaqda waa mid illaahay bixiyo siin weeye rabbi.xaga samada ayaa laga jeclaaday muxamed  cabdullaahi farmaajo taanaa keentay in dhulkana adoomada joogaa jeclaadaan waana sida diinteeno qabto.Kolkaa waxay inan gumeedku(shabakada maafiyada caalamiga ah ee uu hogaamiye madaxweyne hore xasan sheikh) u quuri waayeen karaamadaa illaahay bixiyay ee uu siiyay adoonkiisa farmaajo,iyagoo kaa ogsoon in uu yahay madaxweynihii uugu qiimaha badnaa wixii ina soomaray burburkii kadib taariikhda dalkeena. tin yaroo kasoo duushay shaarbaha farmaajo wax kalaba daayoo ma gaarayaan kuwan laabta kabuka ee hinraagaya xiqdi iyo xaasidnimo darteed.Midkamida kuwan gubada mucaaradka ayaa yari “waxaan si aad ah uuga cabsi qabnaa,in dawlada soomaaliyeed dalka xasiliso oo guulaysato,soona celiso nidaamkii iyo kala danbayntii,taasoo horseedaysa in Farmaajo helo sumcad iyo taariikh fiican mustaqbalka,hadaba marabno in ay dhacdo”
 waxaadna ku garataa,ma anaa soomaali dal iyo dibad farmaajo wada jecleeysiiyay,ma anaa cadaan iyo madow wada ogo laysiiyay.carab iyo afrika ma anaa ku iri ubax gudoon siiya.boqortooyadii sucuudiga ma anigaa ku iri qasri ku maamuusa.biniin iyo gaana,ehtiopia iyo suudaan,kenya,tanzaaniya,nayjeeriya intaas oo dal ma anigaa ku iri doona amarkiisa. Qadar iyo cumaan,bax rayn,kuwayd,urdin,ciraaq, carro khaliijeedka marxaba yaa ra iisul soomaal ma anigaa inay qadariyaan amar ku siisiiyey. waxaa khalqi caalamka u mash xaradi ma anigaa meel isugu keenay.inta dooni inta daba taagan iyo intaa iridii loo diiday,kalsoonida uumiyahu ku qabo  ma anigaa galiyay laabtooda? inta qaaradood ee aduun ma anigaa qiimo uugu yeelay. war soow doonis eebbe iyo dheeri siin ma,ahan.


Waan garan karaa qof illaahay karaameeyay caalamadihiisa doqonse waa moog. waxaan u mahad celinayaa illaahii iiga dhigay farmaajo madaxweyne oo soomaali hadaanahay nasiiyay mid aan ku diirsano oo suuban. Madaxweyne fiican ayaa illaahay ina siiyay ee soomaaliyeey yaynaan noqon caasi ee aan raacno talidiisa dhisano dalkeena ubadkeena u yeelo mustaqbal wanaagsan nabad iyo nolol.Nin illaahay karaameeyay xiqdigii iyo xasadkiisu oo ah siduu ku helay aniguba mahaystee waxay dhashaa oo kaliya dulinimo aduunka ah iyo cadaab aakhiro,maxaa yeelay wixii illaahay bixiyay ee uu dheeri usii yay adoonkiisa ayaad ku haysataa oo aad ka xuntahay,hade nin isku taagay rabbigii uuntay warkiisa miyaan iswaydiinaynaa?

BOQORTOOYADA SUCUUDIGA OO UUGU YEERAY FARMAAJO IN UU YAHAY HOGAAMIYAHA ISLAAMKA AFRIKA
Waxaa xusid mudan in loo sameeyay madaxweynaha dalka soomaaliya mudane Muxamed ibn cabdullahi farmaajo,soo dhaweeyn iyo xushmo iyo qadarin gaar ah. saxaafada dalka sucuudiga ayaa kusooqaatay falooyiin ay cinwaano uuga dhigeen AMIIRKA ISLAAMKA AFRIKA MUXAMED CABDULLAHI. Run ahaantii sucuudiga yaa la tacajabay kadib doorkii dhex dhexaadnimo ee uu ka istaagay xirgif dhex martay labada dal ee islaamka ah ee walaalaha ah sucuudiga iyo qadar,mowqifkaas oo ahaa dhex dhexaadnimo iyo in uu heshiisiiyo isagoo fikirkaa dhex dhegay golaha islaamka iyo golaha carbeed labadaba. waxay boqorooyadu hubisay in uu yahay ninkani mid mabda leh oo raganimo gaaray iyo in uu yahay mid aduunyo doon ah! waxay u soo direen wafti uugu yimid Mogdisho oo u siday hadiyad gaaraysa 120.000 000 Boqol iyo labaatan milyan oo dollar,oo ah in uu ka baxo dhex dhaxaadnimada soona raco boqortooyada sucuudiga.Madaxweyne Farmaajo waxa uu gashaanka u daruuray damacaas isagoo u sheegay in uusan ahayn ninkay moodayaan!! markasaa sucuudigu iyo carab oo dhami ogaatay qiimaha iyo raganimada iyo sharafka Muxamed bin cabdullahi kadibna waa u qireen arinakaa kuna jeclaadeen.waxay qireen dunida carabeed oo sucuudigu horsocdaa in Muxamed yahay nin u soo baxay dunida carbeed tan islaamka iyo afrikada madoow intaba.waxay sheegeen nabada uu dhex dhigay geeska afrika. libintan iyo karaamadan waxaa helay umada soomaaliyeed oo ku faanaysa madaxweynahooda caadilka ah oo aduunkaba ku yar maanta isagoo kale.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO;-Puntland Sheegtay In Vise Ama Dalku Gal Lagu soogali Doono Deeganadeeda
- Jun 19, 2019
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay ...
DAAWO-Villa Somalia oo Qorsheysay Amniga Doorashada Jubaland
- Jun 19, 2019
https://youtu.be/dUN3ejREoJU
DAAWO:-Saraakiil Caan ah oo loo soo xiray Ugaas lagu Dilay Kismaayo!!!
- Jun 19, 2019
https://youtu.be/0ATMYKJtHgI