Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Hargeisa ma waxay Noqon doontaa Saldhiga Mucaaridka MD. Farmaajo

Warbixin uu qoray Wargeyska The Indean Ocean oo soo baxday maanta oo jimce ah, ayaa lagu sheegay in magaalada Hargeysa ay noqon doonto sannadka 2020ka marka ay dhacayaan doorashooyinka madaxtinnimada Soomaaliya goob dhaqaalaha imaaraadka iyo Sucuudiga ka imanaya loogu qaybiyo musharraxiinta ay wataan.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in olole ka dhan ah madaxweyne Farmaajo laga abaabuli doono magaalada Hargeysa, xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka 2020ka.

Qorshahan ayuu wargeysku sheegay in uu magaalada Hargeysa u yimid safiirka dalka Sucudiga u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Khayat, labadii bishii May ee sannadkan.

Warbixintu waxaa kale oo ay xustay in Maxamed Kaahin Axmed oo ay ku sheegtay raysal-wasaare uu kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Nairobi siyaasiyiinta ka soo horjeeda madaxweyne Farmaajo.

Kulanka qarsoodiga ah ee Nairobi ay ku yeesheen mucaaridka dawladda Farmaajo iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa la iskula qaatay in la go’doomiyo siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaan ba xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Ugu dambeyntii, haddii xulafada mucaaridka ku ah Farmaajo ay ku guulaysato doorashada madaxtinnimada Soomaaliya waxaa diblomaasi ahaan ay Kenya aqoonsan doontaa Somaliland, taas baddelkeedana waxaa dawladsa cusub ee Soomaaiya ay Kenya kala shaqeyn doontaa xallinta khilaafka badda.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Saciid Deni “Wax la yiraah waqti Kororsi kama dhici karo dalkaan, Soomaali waxay heshiis ku tahay afar sano”
- Sep 17, 2019
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay warar maalmihii la ...
DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wakiilllada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya
- Sep 17, 2019
https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/372889296990352/
DAAWO:-Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliya oo Bogaadiyay Shirka hay’adaha Maareynta xuduudaha dalka oo maanta Muqdisho ka furmay
- Sep 17, 2019
https://www.facebook.com/DalmarMediaServices/videos/398265870889952/