Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kenya iyo soomaaliya oo isu Hanjabay inay kala aqoonsanayaan Somaliland iyo Gooni isu-Taaga Mombaasa !

Soomaliya iyo Kenya oo isugu Hanjabay in ay kala aqoonsanayaan Somaliland iyo gooni isu Taaga Mombaasa !

Dowladda Kenya ayaa ku gooddisay in uu sii soconayo dagaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya xitaa haddii Maxkamadda ICJ ay xukunto in Badda Kenya dooneyso loo xukumo Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa warqad ay soo marisay safaaraddeeda Muqdisho waxaa ay u soo dirtay Soomaaliya,waxaana warqaddaasi daarneyd dhowr qodob oo kala ah;

In Kenya ay awood xoog leh u adeegsaneyso Shacabka Gedo ee bur burinaya derbiga ay Kenya ka dhiseyso Dhulka Soomaalida.

In Guddi baaris ah u saartay Kenya arrinta darbiga,wixii waxyeello ah ee gaartayna ay magdhow ka bixin doonto dowladda Soomaaliya.

In Kenya aqoonsaneyso Somaliland, haddii ay dowladda Federaalka ah sii waddo muranka Badda islamarkaana toos ula xiriiri doonto Somaliland.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo warqaddaasi ay soo gaartay 25kii May ayaa 29kii isla bishaas ku jawaabtay in dowladda Soomaaliya aysan hayn caddeyn ku filan in shacabka Gedo ay bur buriyeen darboga ay Kenya dhistay.

Waxaa kale oo ay oo dowladda SOomaaliya sheegtay in Kenya ay u oggolaatay in ay xafiis ka furato Hargeysa,haddii Kenya hanjabaaddeeda ka Dhabaysana ay Soomaaliya go’aan noocaas ah ka qaadan karto gooni u goosadka Mombasa ee dalka Kenya.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Kenya ayaa la xiriiray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,markii la weydiiyay go’aanka Kenya ee Somaliland ayuu Wasiir Cawad ku qoslay Wuxuuna sheegay in arrinta Mombasana miiska imaneyso.

Waxaa Qoray Wargeyska :The Standard.

Waxaa Diyaariyey Cabdirisaaq Jubba


https://www.facebook.com/Cabdirisaqjubba

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Qodobada Kenya Ku Hanjabayso Wax Micne Ah Masamaynaayaan, Darbiga Ay Sheegeeyso Waxuukala Qaybiyaa Waa Hall Magaalo” Balad Xaawo Iyo Mandheera Waa Isku Halmagaalo, Mandheera Wa Xaafad Balad Xaawo, Katirsan.

    Wax Shacab Ah Oo Kenyaati Ahina Madegana, Iyo Waliba “NFD” Oo Dhan
    Shacab Soomaaliyeed Oo Kaliya Ayy Degen.

    Kenya Ciidamo Iyo Maamul Wax Adoonsi a Ayaa Kajooga (NFD Iyo Jubooyinka)
    Sidaasi Aawadeed Derbigga” Shacabka Ayaa Iskaleh Xaq Ayayna U Leeyihiin Iney *Khatartiisa Iyo Ciriirigiisa*
    Iska Burburiyeen!! Sababtoo Ah Godkaas Iyo Siligaas Xoolaha Iyo Caruurta Ayuu Khatar Kuyahay, Iney Kadhacaan.
    Aad Ayay U Mahadsanyihiin Shacabka
    Soomaaliyeed Ee Dhulkooda Difaacanaayaa” Saliga Laftiisana
    Guruihiina Kudhista Xoolihiinana Ku Oota Ileeyn Waaxaqiineeye.

    Hargaysa-aan-aqoonsanayaa Kuukuuyo Aqoonsigeedu Xageebeey Gaarikaraa Ayadaanba Cidina Aqoonine??
    * Mudo 100 Sano Kudhow Kenya Gobolka Soomaaliyeed Ee NFD Iyo Dhulka Soomaaliyeed (Khayraadkiisa Ayay Guraneeysay” Shacabkiisana Xasuuqeeysay!! Magdhow Kenya Ayaaba Laga Rabaa.

    *Xeebta Mambaassa Iyo Xeebaha Soomaaliya Waa Iskumid Isku Dad Ayaana Degen Waligeedna Dhul Kenya Leedahay Manoqon Mana Noqon Doono Inshaa Allaah.

    Sidaasi Aawadeed Kenya Dacwad Iyo Hanjabaad Iyo Daandaansi Ayay Biloowday Dalka Iney Siijoogtana Khatarteeda Ayay Leedahay, Waa In SI DegDeg Ah Dalka Looga Saaro Xuduudaha Ciidamo Xoog Leh Lageeyo.

    Sababtoo Ah Shacabkiisana Way Layneysaa!! Hantidiisa Way Gubaysaa Kenya Waxba Yaanlagu Aaminin
    Cidamadoodu Waa “Cawaandi min Iyo Khamriyo Cab” Iyo Waliba Khayrumasuuliyiin??
    Sharciga Aduunka Waaka Madnuucay In Khamriyo Cab Shacab Laguma Aamino.




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Saciid Deni “Wax la yiraah waqti Kororsi kama dhici karo dalkaan, Soomaali waxay heshiis ku tahay afar sano”
- Sep 17, 2019
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay warar maalmihii la ...
DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wakiilllada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya
- Sep 17, 2019
https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/372889296990352/
DAAWO:-Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliya oo Bogaadiyay Shirka hay’adaha Maareynta xuduudaha dalka oo maanta Muqdisho ka furmay
- Sep 17, 2019
https://www.facebook.com/DalmarMediaServices/videos/398265870889952/