Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Odayaasha dhaqanka iyo guddiga doorashada jubbaland oo isku afgartay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub

Odayaasha dhaqanka iyo guddiga doorashada Dawlad Gobaledka jubbaland ayaa isku afgartay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub

Kulankaan oo ay yeesheen Salaadinta Jubbaland ayaa waxay sharraxaad dheeraad ah kaga bixiyeen qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad Gobaledka Jubbaland.

Odayaasha dhaqanka Jubbaland oo ay ka go’an tahay soo xulista xubno si dhab ah u metela dadka Jubbaland ayaa sheegay in ay guddiga doorashada ay isku afgarteen habraaca soo xulista xubnaha Baarlamaanka cusub.

Salaadiinta iyo waxgaradka maanta Kismaayo kulanka ku yeeshay ayaa si cad u sheegay in shirkii ay dhowaan la yeesheen guddiga doorasha Dawlad Gobaledka Jubbaland ay ku meel mariyeen hannaanka loo marayo doorashada Xildhibaanada taas oo ah in beel kasta oo leh hal Xildhibaan ay guddiga doorashada usoo gudbiso saddex xubnood, iyadoo markaas kaddib ay guddiga ka xulan doonaan hadba qofka buuxiya shuruudaha Xildhibaanada.

Salaadiinta ayaa si isku mid ah u sheegay in ciddii cabasho qabta ay timaado Jubbaland islamarkaana ay qayb ka noqoto geeddi socodka doorashooyinka Jubbaland, waxaana ay dhanka kale raali galin ka bixiyeen hadalka kasoo yeeray mid kamid salaadiinta Jubbaland ee kusugan Muqdisho oo ku hadlay ereyo gef ah dhaqanka Dawlad Gobaledka Jubbaland.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. mahad says:

    Meeye odayaashii caanka ahaa ee wada laandheeraha ahaa oo la wada yaqaano oo isugu jiray Salaadiin Ugaasyo Malaaqyo iwm ma odayaasha Jubbaland ee caanka ah ayaa la garan weyn karaa qolooyinka meesha ka muuqda waxay u egyihiin qolooyin laga soo kaxeeyay xerooyinka barakacayaasha iyo gosha far baa ku godan maxaase keenay guddi xulanaya 3 qof kii ay rabaan waxaa la yaqaanay 3 ama 4 qof oo odayga beesha iyo 50 qof oo qabiilka ah ay u codeeyaan oo qofkii ugu cod badnaada loo doorto xildhibaanka beesha Axmed Dhuxul wuxuu doonayaa ninka ugu jilicsan ee uu ku shuban karo inuu beel walba ka xusho bal caqli Kenyaatigaa ka waran.




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Meydadka Soomaali Oo La Gubay oo Laga Helay Kenya
- Sep 16, 2019
Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay dileen afar ...
DHAGEYSO:-Faah Faahin:-Dil Ka Dhacay Magaalada Laascaanood
- Sep 16, 2019
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo xalay gudaha ...
SAWIRRO:-Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye
- Sep 16, 2019
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa xalay kulan ...