Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Madaxweyne Deni oo Xarigga ka Jaray Wadada weyn ee Gaalkacyo, Kormeerayna Xarumo Dowladeed.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Xarigga ka jaray wadada halbawlaha ah ee magaalada Gaalkacyo oo si casriya loo dhisay, isla markaana Kormeeray garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo kan Kubadda Cagta ee Cawaale.

Wadada halbowlaha ah ee magaalada Gaalkacyo oo ay dhistay shirkadda wadaniga ah ee Kebarco ayaa dhererkaagu dhanyahay 2.1km, waxaana uu Madaxweynaha Puntland sheegay in wadada loo dhisay si tayadeedu sarayso oo xirfadaysan, isagoona uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb-qaadatay dhismaheeda.

“Aad baad u mahadsantihiin dhammaan intii ka qayb qaadatay, Dowladda Hoose shacabka reer Gaalkacyo, shirkaddii dhistay oo dhismo qurux badan oo aad u fiican dhistay, sida uu qorshuhu yahay 8km inay dhamystiranto baan rajaynaynaa, waxaana ku talageli doonaa magaladu in jidad wanaagsan hesho”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni waxaa uu kormeeray garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport. Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ayaa ka warbixiyey.

“Madaxweynuhu waxaa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Garoonka sida dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, Waxaana uu u kuurgalay xaladda guud ee garoonka. Madaxweyne Deni si weyn ayuu u amaanay shaqada weyn ee ka socota garoonka, waxaana uu xusay in waxbadan laga qabanayo baahiyaha ay soo gudbiyeen masuuliyiintu”.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani ayaa ka wabixiyey Kormeerka Madaxweynaha iyo weftigiisa ee Garoonka Kubadda Cagta Cawaale.

“Madaxweyne Deni ayaa la kulmay guddiga gacanta ku haysa dhismaha iyo dayactirka garoonka kubadda Cagta Cawaale, waxaa ay ka warbixiyeen sida ay wax u socdaan, meesha ay wax kasoo bilaabmeen iyo agabka ay haystaan, qorshayaasha u yaalla iyo sida ay wax u dhisayaan. Madaxweyuhu waa indha indheeyey garoonka iyo sida ay wax u socdaan waxaana uu ku bogaadiyey hawsha ay hayaan”. Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani.

-DHAMMAAD-

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Meydadka Soomaali Oo La Gubay oo Laga Helay Kenya
- Sep 16, 2019
Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay dileen afar ...
DHAGEYSO:-Faah Faahin:-Dil Ka Dhacay Magaalada Laascaanood
- Sep 16, 2019
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo xalay gudaha ...
SAWIRRO:-Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye
- Sep 16, 2019
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa xalay kulan ...