Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Madaxwayne ku xigeenka Midowga Yurub oo Muqdisho timid & Kulankii Khayre la yeeshay

Madaxwayne Ku-xigeenka Midowga Yurub, ahna Wakiilka arrimaha dibada iyo Siyaasadda amniga Federica Mogherini ayaa maanta booqasho gaaban ku timid magaaladda Muqdisho, iyadoo la kulantay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Muqdisho kula kulmo kux-igeenka Madaxda Midowga yurub oo uu ku tilmaamay midka ugu muhiimsan saaxiibadda Soomaalida

Wuxuu sheegay inuu la wadaagay horumarka ay xukuumadiisu ka samaysay dhammaan howlaha socda iyo qorshayaasha u degsan xukuumadiisa Sanadkankan 2019ka ee ay doonayaan inay fuliyaan.

” Waxa aan Maanta kulan miro dhal ah la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini oo booqasho ku timid Muqdisho. Waxa aan ka wadahadalnay horumarka aan ka sameynay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019. “

Midowga Yurub waxaa uu malaayiin dollar ku bixiyaa barnaamijyada horumarineed, amniga iyo bani’aadanimo ee ka socda Soomaaliya, waxay kaloo kaalmo, tababaro iyo gacanba siiyaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Sidoo kale waxay lacago tiro badan ku bixiyaan howlgalka Midowga Afrikaca ee Amisom ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Meydadka Soomaali Oo La Gubay oo Laga Helay Kenya
- Sep 16, 2019
Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay dileen afar ...
DHAGEYSO:-Faah Faahin:-Dil Ka Dhacay Magaalada Laascaanood
- Sep 16, 2019
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo xalay gudaha ...
SAWIRRO:-Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye
- Sep 16, 2019
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa xalay kulan ...