Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Duqa Muqdisho oo Shir Caalami ah uga qeyb galay Japan

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dalka Japan kaga qeyb galay shirka Caasimaddaha horumarka ku talaabsanaya oo ay kasoo qeyb galeen Madaxda ka socotay Caasimadaha Dalalka Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Amerika.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta caasimadaha,Xal-u-helidda arrimaha Baracayaasha, xallinta caqabadaha iyo jaangoynta qorshe howleedka Dawladaha Hoose.

Duqa Muqdisho ayaa khudbadda uu ka jeediyey shirka waxa uu kaga warbixiyey guulaha dhanka maamul, xaaladda amni iyo qorsheyaasha uu hiigsanayaan Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinayo Caasimadda Muqdisho.

“Waxaan soo dhaweeynaynaa in aan ka arrinsanno dardar gelinta is-dhaafsiga khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeynta, si loo kabo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka soo koraya.”

Guddoomiye Yarisow ayaa ku bogaadiyey Bangiga Adduunka sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda.

Dhanka kale, Wafdiga uu hogaaminaayo Duqa Muqdisho ayaa kulan kula qaatay magaalada Tokyo ee Hey’adda dhinaca Horumarinta u qaabilsan dalka Japan ee loo yaqaan JICA (JIKA) isagoona kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin qorshaha lagu horumarinayo arrimaha bulaacadaha iyo Waddooyinka, taasi oo ah qorshe uu Maamulka Gobolka Banaadir ku doonayo in uu ku horumariyo Caasimada.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Baydhabo ka furay Madasha Arrimaha Bini’aadninimada Dalka
- Jul 23, 2019
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo gaaray ...
DAAWO:-Gudigii Horumarinta Boosaaso oo dib xoriyadooda u helay.
- Jul 23, 2019
Waxaa maanta dib xoriyadooda u helay qaar ka mid ah xubnihii gudigga dayactirka wadada ...
Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug oo sheegay in Shirka la qaban doono Shanta Bisha Agoosto.
- Jul 23, 2019
Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo u xilsaaran qaabkii xal waara loogagaari lahaa khilaafaadka ...