Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUSE YALAXOOW OO KA ADKAADAY FIQI IYO ODAY XAAF OO SOO XOOJIYAY

Daka soomaaliyeed waxay soomareen nusqarni,ah nidaam iyo dawlad la aan,dagaalo sokeeye iyo dhiig macno daro ku daata oo waalidiin badan ay kuwaayeen caruurtoodii ay jeclaayeen,dumar badan asay ku qaadeen oo kuwaayeen ragoodii,waalid iyo walaal iyo qaraabo badani ku dhinteen khaasaaro iyo waxaan lagu faa iidin aduun iyo aakhiraba. dani waxay keentay in beelihii soomaaliyeed inyar mooyee ay fahmeen kana feejigan yihiin in wiilal danbe aysan uuga dhiman dagaal taa badalkeedana ay helaan waxbarasho iyo shaqo iyo mustaqbal anfaca aduunka iyo aakhiradoodaba.

waxaa laga bartay dagaalada sokeeye,in beeluhu isu isticmaalaan kicin qaab qabiil  iyagoo aan kuu hayn wax ehelnimo ah iyo wax dantaada ah balse kuu isticmaalaya in beeshada dab lagaliyo oo wiilashiina lagu khamaaro. waxaa taariikhda soomaaliyeed  sodonkaa sanadood soomaray in wax kala iska daayoo inta tuutaha dawlada lagu soo labisto in beelaha qaarkood la bartilmaansado oo lalaayo,markii sikale loo kicin waayay,ha dhawna layiraahdo wakaas waxaan idiin sheegaynay dawladaa idin dilaysa!! sheekooyinkaa awrku kacsiga ah ee islaamnimo kabaxa ah ee ka fogaansho aakhiro iyo aduunba ah ee shacabkii soomaaliyeed shalay looga horkeenay dawladoodii ee laysugu diray beelihii soomaaliyeed ee burburiyay caasimadeenii mogdisho iyo dalkeenii waa mid laga dharagsan yahay lagana gudbay maanta.
Dadkii dhagartaa ka shaqayn jiray oo wali wada ayaa waxaa fiqi u meel mari waayay iyo ragii lasocday in oday muuse lamaro loona adeegsado in uu ragiisa kiciyo kadibna laysaga dhigo xabada dawlada,oo iyaga la iibgeeyo dawladana lagula gorgortamo,wuxuu dhacana muuso iyo dadkiisa dusha loo saaro sida qorshuhuba yahay,ileen haday dawlada rabaan wataas banaanka taalee maxay u aadi waayeen oo muuse loo kortaagan yahay habeen iyo maalinba? cabdiqaybdiid aqalka sare ayuu ku jira isaga iyo kuwo kale oo la nooc ahi markaa maxaa isaga loogu tagi waayay!!? waxaase wax lagu qoslo ah 2019 miyaa muuse loo soo hulaabanayaa?
Hada oday Xaaf ayaa loo diray hadii fiqi mari waayay,Oday xaaf wuxuu yiri muusoow fadhiga kakac cidii waa u dhamaatay,idaacada makamaqashay warkayga anoo maqaamka mogdisho udoodaa ileen magaaladan inagaa iska leh muusoow saad ogtahay. Muuse wuxuu yiri warkaa maqaamka in aad u xarbinayso waa ka dhagaystay idaacadaha oo waa runtaa. waxaan rabnaa in aad na horkacdo namatasho waxna iska dhicino muusoow.
Muuse oo ah nin bislaaday waayo arag ah noqday oday soomaaliyeed ayaa yiri, Xaafoow aniga day hee oday soomaaliyeed ee umada u dhaxeeyo oo alle kuuma daraadee katirsan aqalka sare ee umada soomaaliyeed ayaan ahay. waxaad wadana dantay maha khaatumadaydana ku dheeli maa,intii hore toobad keen aan ka ahay,dawladnimo iyo nabad taageerideed aan u taagnahay iyadaana ku dhimanaa. hadii se aan warkaada usoo laabto kacaay iyo reer hebel aan kuduulo dawlada aan ridno  xaan ka dhafneey xaafoow hadaan xisku kaa tagin? hadiise hada aad beel kawaramayso iyo maqaam,maqaamkiina waan haystaa waxna kama halaysno cideeyda maantay uugu raayaan,ee baladkaan umada soomaaliyeed ee iisoo camiray hayga kala cayrin ee iga horleexo,hadaad malag ku eryaayo wataas madaxtooyadii ee galhee xaad jilbaha ii haysataa bariga oo dhan? igaar xumoo aad isoo aadisaan aan shalaydaan iska raacdeeyee! Muuse oo fahansan dhagarta mustaqbalka fog kadanbaysa maqaamka mogdisho oo ah mid dadkiisa looga qaadanaayo duqa magaalada iyo gobolka banaadir maamulkiisa si cod ah oonba cid u baahani jirin umada soomaaliyeed. wuxuu fahan san yahay waxa xaaf baafinaayo in uu muuse hada haystaba haysana doono!! walee soomaali waa isbaratay.
Muuse oo sii wata ahdalka Dab naar ah adiga iyo ilmahaagu nalasoo gala wax muuse aqbalaayo maha. waxaanse ku warsahaa adiga shaqo malihidmiyaa xaafoow aanba kaftanee? xaaf ayaa yiri waan leeyahay shaqo maxaajira madaxweyne galmudog oo dhan sowmaahi?
Muusaa yiri hee day hee aniga subixii aqalka sare aan u jarmaadaa,shaqadayda waa ka adkahay,waatagaa xataa anoo iska xanxanuunsan maxaayeelay waa wajiib qaran,markaan madiina xukumaayayna taariihday ku xusantahay oo waa ka adkaayoo gacan bir ah aan ku haayay, day hee adiga barigaan ku arkaba hoteelada MOGDISHO aad hurudaa,mahaad katalisana waa cadaado iyo dhuusamareeb,eeboow seed madaxweyne uugu tahay dadkaas shaqaba uma dheelmatidee? lamadaan aa isu keey qaban diiday. day hee qof la arkaa shaqadeeda in ay daacad u noqoto aa larabaa ee adiga MOGDISHO xaakaayaalo xaadse u ajaree umada hadaadba saan tahay? xaad gafuurka iigu tuuree aryaa halkaan konfur galbeed baydhabuu ku egyahay,halkaan day hee  puntland garoowe uu ku egayahay,nin la arkaba gobolkiisa uu shaqo ka haayaa xaad madaxtooyada irideeda cawo iyo maalin u taagantahay! yaase kuu dirsaday hawshaan?
Muuse oo hadalka sii wataa yiri xaafoow warkaada waxaa waaye ninka yar iga celi kan weyn anaa iska celinaa hee! XAAF oo caraysan baa yiri maxaad ula jeedaa kuma fahmin ee? Galmudug xabad kamatihid nabad iyo kala danbayn iyo dib u heshiisiin kama aadan qaban dadkii isuma keenin waa ka soo cararee asaad dawladaan weyn oo soomaali u dhantahay iyo madaxweyne farmaajo aad isku taagee. danyaroo jinkaada ah bax horta ka soo adkoow kadib ii imaaw.
Oday xaaf oo quus ah ayaa yiri inta qoslay oo layaabay khibrada muuse ee saraysa,muusoow waad ilbaxaday! nabadeey. Muusaayiri runtaa waaye cidii 30 sano kadib ilbixi wayso ebidkeed ilbixi maysee,warka shaqaa karoon alla haku aruursho hee.
Waa hungoobidii labaad ee lagu mari waayay muuse oo la damcay in sumcadiisa masuuliyada aqlaka sare ee uu uhaayo soomaali lawasakheeyo dibna loogu celiyo wixii soomaali halkaa dhigay hoog iyo ahalaag. sheekada hoosana waa fiqi iyo muuse.

Halkan kore waxaa ku sawiran fiqi oo muu jinaa banaankana keenay Muuse,waxaad markiiba maskaxdaada kusoo dhacaya waa maxay sababta ka danbaysaa ee fiqi shaashada u keenay YALAXOOW? Waa sheeko dheer balse aan soo gaabinaayo.waayadanba waxaa socday in hormarka dhanka wanaaga iyo dawladnimo talaabooyin hore loo qaaday. in shacabkii iyo dawladii isla jaan qaadeen Mogidshana ay inbadan soo hagaagtay dhanka nabad galyada tanoo dawladu shaqo fiican qabatay.
Ciidamadii dalka oo diwaan galin iyo tayayn lagu sameeyay,danmaynkii oo dalkeena laga cafinaayo,xiriir fiican oo maraykanku layeeshay dawladaan iyo taageero uu siinaayo soomaaliya oo buuxda.hormarkaan wuxuu khatar ku yahay qawlaysato ku naaxday dawlad la aanta soomaaliya,oo ah shabakad maafiyo caalami ah oo hor taagnayd mudo aad u dheer in soomaaliya dawladiba ka dhalato kana shaqayso.
Hadaba waxaa laga yaabaa in aad iswaydiiso waa kuwee shabakada maafiyada caalamiga ahi? hadaba waa 3 qolo oo gudaha ah iyo qolo afraad oo dibada ah waa afartaa oo isku xiran. waana sidan.
1.Kuwo xildhibaano ah iyo kuwo siyaasiyiin ah dadka qaarno u yaqaan siyaasiyiinta xanaaqsan. qoladani waxay ku gabadaan xildhibaanimo,siyaasi iyo mucaarad,waxayna kamid yihiin shabakada.
2.Ganaacsatada suuqa bakaaraha,kuwani waa kuwa ku dhuunta ganaacsiga oo ku qariya lacaga hawlaha lagu fuliyo ee ay keenaan dawlado shisheeye,hawlahaas oo lagu horjoogsanaayo dawlad ka hanaqaada dalka iyo nabad ka dhacda mogdisho gaar ahaan.shabakada ayay kamid yihiin
3.Kuwo laba waji leh mid afka ayduubtaan dadkuna u yaqaan shabaab iyo kuwo wajiga aan duuban oo ah ciidanka xooga dalka kuwan oo ah kuwa fuliya hawlaha shacabka lagu gumaado,qarax ama dilal qoshaysan iyagoo amarka ka qaata siyaasiyiinta xanaaqsan iyo ganaacsatada siisa dhaqaalaha. waa shabakada iyaguna
4.Dawlado shisheeye oo dhaqaalaha bixiya oo ay kamid tahay dawlada emaraadka oo sodonkaa sanadood mar dhaw uun la ogaaday iyo dawlado kale kuwanina waa kooxda afraad ee kamidka shabakada maafiyada caalamiga ah ee isku xiran.
Hadaba afartaa oo isku xiran ayaa ah shabakada maafiyada caalamiga ah ee gudaha soomaaliya ka hawlgasha hortaagana dawladnimada soomaaliyeed inay hirgasho.
Hadaba FIQI waa xildhibaan katirsan baarlamaanka soomaaliyeed hadana ah xubin shabakada maafiyada caalamiga ah kamid ah qaybteeda u xilsaaran baarlamanka iyo siyaasada iyadoo mucaarad lahuwanaayo.shabakada ayaa go aamisay in ay dardar galiyaan oo horjoogsadaan hormarka iyo amaanka magaalada mogdisho oo shacabku dareemeen in uu soo hagaagay kuna farxeen. waxay bilaabeen qaraxyo iyo dilal isdaba joog ah si loo yiraahdo Mogdisho nabad maha dawladna kama jirto.
Dawladu talaabo ayay qaaday kuna xakamaysay amaankii maalmihii dhawayd khalkhalka gay ee shacabka lagu gumaaday.waxaana laga qabsaday meelo badan shabaab waana lagu raad joogaa ilaa hada. dalkuna dagaalbaa ku jiraa.hase ahaatee waxaa loo xilsaaray fiqi in uu muuse u tago kana faa iidaysto arimo la xariira degaan uu muuse ka dagan yahay Mogdisho oo kabax layiri maa daama uu yahay dan guud. muuse iyo dawladana wada hadal ayaa u socday caadi ahaa.
Shabakada maafiyada caalamiga ah xubin kasocota waa fiqi ee ayaa habeen madaw gurigiisa si dhuumasho ah uugu tagay muuse oo ka kiciyay hurdadii. waxa uu u sheegay in muuse la dulmiyay magaaladuna tahay magaalo beesha hawiye leedahay,mareexaan iyo daaroodna qabsadeen. waxa uuna usawiray soona xasuusiyay muuse dagaaladii sokeeye wuxuuna aad isugu dayay in muuse ciidan diyaariyo kharashkana uu balan qaaday in labixinaayo. mudo dheer ayay wada hadlayeen oo muuse dhan walba laga tusay in uu beesha kiciyo oo la abaabulo kacdoon beeleed rajiimkana layska tuuro heeryadiisa.
Muuse warkaas waa ku cuslaaday, sidan warka ku hayno Muuse oo ah nin balaayo in badan u soo joogay iyo foolxumo dagaal iyo qabiil intaba hadana ah masuul aqal sare ayaa liqi waayay warkaa fiqi wado oo ah dagaaladii sokeeye dib haloogu noqdo.muuse waa ka aamusay in uu yeelo taladaa fiqi oo yeelay iyo diiday midna ma oran.hayeeshee mardanbaa fiqi ka soo fakatay muuse adiga doqon baa tahay ifahmaynin!!  
Muuse waa dhibsaday warkaas iyo kalmadaan u danbaysa ee fiqi. wuxuu yiri muuse Aryaa nin muslim ah day hee lama jeer god lagama qaniino,xaa abgaal dheefay siyaad ka hortagtii doraad adaan ku warsahaa hee? yahooy afxumada igala aal,muuse ma karyo day hee mahaan aa mareexan fadhaa barigii  la arkaba ee abgaal isaga dhig yeelmi makaro, adaan ku war sanaa hee xaaka haraaya abgaal mugii dawladii timaadama loo hormarinaayo si loo dhameeyo? Hadaadse daacad qabto adaa keenay farmaajo asaad muga iidiree,xakaa halaysan minaad ciil u qabto mareexaanka aad sheegayso hortaaday fadhaane gal hee ma rag la aan aa ku hayso!!  igaar xabad ku dhinto muuse marabyo waxbadan aan usoo joogay xabadse kama dheefin  badalkeeda in uu waxbartaan rabaa oo uu nabad galyo helo.
Fiqi oo quus taagan waaguna soo baryaayo,ayaa yiri nin fiican aad iska dhigee dagaal ooge ayaad tahay dad badan laayay maxaa kuu dhawrsoon muusoow? Musee ayaa u jawaaboo yiri Aryaa muuse maalin cad uu dagaal galaayay mana qarsan mana gaadin ciduu la daalaayo,adiga iyo xasan sheekh dadkaa hoos u xasuuqayseen oo adiga naftirkaaga markaad nabad sugida ahayd xabsiga ku tooganaysay maxaabiista dagaal ooge ma aheen miyaa ma muusaa ka dilay soomaali halahaad disheen adinku waa isnaqaane.
FIQI oo caraysan kuna guul daraystay dhagartii loo isticmaalilahaa muuse iyo beeshiisa ayaa irida kabaxay. Waxa kaliya oo uu ku guulaystay in uu helo masawir cadaynaya in uu la kulmay muuse hawshii loodirayna qabsaday taasoo uu ku helay lacagtii loo qowsheeyay ee ay bixisay dawlada emaraadka. muujinta sawirka muuse waa lacag qaali ah oo u bislaatay fiqi tan muuse waa laga hoos bixiyay mana fahmin in fiqi yahay xubin shabakada maafiyada caalamiga ah ka tirsan wuxuuse u haystaa xildhibaan caadi ah!!! laakiin in dadkiisa la galiyo dab waa diiday muuse si cad. tani waa sheekadii dhexmartay muuse iyo fiqi oo kooban.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO MUUQAAL:-Madaxwayne ku xigeenka Midowga Yurub oo Muqdisho timid & Kulankii Khayre la yeeshay
- May 21, 2019
Madaxwayne Ku-xigeenka Midowga Yurub, ahna Wakiilka arrimaha dibada iyo Siyaasadda amniga Federica Mogherini ...
Kenya oo Viise Garoonka laga Siin jiray Masuuliyiinta Soomaaliya ka Joojisay
- May 21, 2019
Dowlada Kenya ayaa bilowday inay diido dal ku galka ama Visaha On Arrival ee ...
DAAWO MUUQAAL:- Soomaali Caruurta kala Cararay Ingiriiska oo Geeyay Kismaayo
- May 21, 2019
 Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij Xiiso leh oo Telefishinka Channel 4 uu ...