Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sarkaal ka tirsanaa ciidamadii Somalia oo maxkamad lala koray

Nin Soomaali ah oo deggan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa maxkamad rayid lala koray, ayada oo lagu eedeynayo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo uu gaystay xilli uu sarkaal sare ka ahaa dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Dacwad madani oo ka dhan ah Yuusuf Cabdi Cali ayaa toddobaadkan ka billaabatay maxkamadda federaalka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, waxaana la koray Farhan Mohamoud Tani Warfaa.

Farhan ayaa ku eedeeyey Yuusuf inuu jir-dilay, islamarkaanauu geeri ku sigtay sanaddii 1988-kii.

Dacwaddan ayaa lagu sheegay in Yuusuf uu ahaa taliye ku tirsan Guutada Shanaad ee Ciidamadii Xoogga Dalka ee ku sugnaa Somaliland.

Yuusuf ayaa lagu eedeeyey inuu Farhan iyo rag kale oo dad’yar xiray 1987-kii, isaga oo wax ka weydiinaya haan biyo oo la waayey.

Farhan ayaa sheegay inuu dhowr bil xirnaa, markaasi oo dhowr mar dharka laga dhigay lana garaacay, sida uu sheegay.

Farhan ayaa sidoo kale ku eedeeyey Yuusuf inuu dhowr mar toogtay islamarkaana askartiisa ku amray inay aasaan, isaga oo mooday inuu dhintay.

Hase yeeshee, askartii ayaa garowsaday in Farhan weli nool yahay, waxayna kadib si qarsoodi ah ugu geeyeen qoyskiisa, ayaga oo taas ku beddeshay laaluush, sida lagu sheegay dacwaddan madaniga ah.

Yuusf ayaa markii ay dowladdii Soomaaliya dhacday sanaddii 1991-kii u qaxay dalka Canada, hase yeeshee waxaa laga soo masaafuriyey markii taleefishinka CBC ee dalkaas uu barnaamij ka diyaariyey eedeymaha loo haysto.

Wuxuu hadda muddo labaatan sano ka badan degan yahay gobolka Virginia.

Qareenka u doodaya Yuusuf ayaa beeniyey dhammaan eedeymaha loo soo jeediyey.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Baroordiiq |Xaaskayga
- Jul 20, 2019
Xaaskaygu isku Xirfad ayaan ahayn waxay igula kaftami jirtey “Caafimaadka waxaan u Bartay inaan Bulsho badan ...
DAAWO MUUQAAL: Muuse Biixi Oo U Soo Hanjabay Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...