Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Yuusuf Garaad oo ka hadlay Imtixaanka DFS Joojisay iyo Waayihii Hore Sida Xaalku ahaa ?

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay go’aanki dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa joojinta Imtixaanaadka dugsiyada Sare ee sanadkaan.

Wuxuu marka hore ka hadlay imtixaanaadkii ay gali jireen xiliyadii hore ee dalka uu lahaa nidaamka dowladnimo ee aadka u wanaagsanaa,  Wuxuu sheegay in xitaa haddii la joojiyo adeegsiga Internetka aanu joogsaneyn in ardayda ay helaan Qishka.

“Imtixaanka Fom Four waxaan ku galay Dugsiga Sare ee 15-ka May. Toddoba arday oo laba macallin ay ilaalaneyso ayuu Fasalkeygu ahaa.

Inta aan fasalka la gelin ayaa arday wuxuu iga codsaday in aan u diyaariyo qoraal aan uga warramayo Fatahaadda webiyada oo af Ingiriis ah.

Ardayga oo aan aqaannay inuusan waxbarashada ku wanaagsanayn oo aan su’aal aqoon ah i weydiin jirin, mowduuca uu doortay iyo xilliga intuba waa ay isu keey qaban waayeen.

Saacado yar ka dib markii la furay bakhshadihii imtixaanka, waxaan ka fekerayay sida aan uga jawaabi lahaa isla su’aashii uu yarku i weydiiyay oo imtixaanka iiga soo boodday.

Inkasta oo ardayda waxbarashada ku wanaagsan aan ku jiray, haddana aad iyo aad ayaan uga carooday, in ugu yaraan hal arday uu sii ogaa su’aal imtixaanka ka mid ah.

Baraha Bulshada  iyo Internet midna ma jirin.

F. G. Dadka qaar maaddaama ay fahmi waayeen, waxaan u jeedaa in Internetka oo la xannibaa aanuu qish joojineyn ee loo baahan yahay, macallimiin, maamul iyo kormeerayaal isku kalsoon, si adagna loola xisaabtamo”.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Baroordiiq |Xaaskayga
- Jul 20, 2019
Xaaskaygu isku Xirfad ayaan ahayn waxay igula kaftami jirtey “Caafimaadka waxaan u Bartay inaan Bulsho badan ...
DAAWO MUUQAAL: Muuse Biixi Oo U Soo Hanjabay Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...