Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Deeq Raashin ah oo la Gaar Siiyey Qoysas Somaliyeed ee Qaxootiga ku ah Dalka Malaysia

Waxaa deeq Raashin  Garsiiyey in ka badan 700 oo  Qoys oo ka mid qoysaska somaliyeed ee Qaxootinimada ugu nool Wadanka Malaysia.

 Safiirka Safarada Somaliya ee wadanka Malaysia Ambassador Abukar Abdi Osman “Mardaadi” oo u wehliyo Xoghayaha sadexad Mr Aweis Abshir Dirie iyo qaar ka mid ah howlwadeenada safarada  

Deeqdaan ayaa noqonayso deeqdii ugu horeysay oo qaxootiga somaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia soo gaarta, iyadoo ugu timi safarada somaliyeed ee wadanka Malaysia. Waxayna ku soo aadaysaa iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaan oo ah bil ay bulshada somaliyeed ay garab istaag u muujiyaan kuwooda jilicsan.

Safiirka safarada somaliyeed ee wadanka Malaysia Ambassador Abukar Abdi Osman ayaa mar uu ka hadlayay munasabada deeqda lagu gudoonsiinayay todobada boqol ee qoys wuxuu balan qaaday in aysan noqon doonin deeqdii ugu danbaysay, balse ay noqon doonto mid bilaw u ah oo inta lagu jiro bisha barakaysan iyo wixii ka danbeeyaba ahaan doonto mid joogta ah, waxay ku qaatataba. Wuxuuna sidoo kale balan qaaday in uu si dhaw ugu war hayn doona baahiyaha gaarka ah ee muwadiniinta somaliyeed ee ku dhaqan wadanka Malaysia

Waa markii ugu horeysay oo ay safarada somaliyeed Deeq raashin ah soo Gaarsiiso qaxootiga somaliyeed ee ku dhaqan Wadanka Malaysia bisha barakaysan ee ramadaan, iyadoo hore deeqo iyo agab waxbarasho soo gaarsiin jirtay caruurta qaxootiga ah si ay waxbarasho u helaan

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO MUUQAAL:-Madaxwayne ku xigeenka Midowga Yurub oo Muqdisho timid & Kulankii Khayre la yeeshay
- May 21, 2019
Madaxwayne Ku-xigeenka Midowga Yurub, ahna Wakiilka arrimaha dibada iyo Siyaasadda amniga Federica Mogherini ...
Kenya oo Viise Garoonka laga Siin jiray Masuuliyiinta Soomaaliya ka Joojisay
- May 21, 2019
Dowlada Kenya ayaa bilowday inay diido dal ku galka ama Visaha On Arrival ee ...
DAAWO MUUQAAL:- Soomaali Caruurta kala Cararay Ingiriiska oo Geeyay Kismaayo
- May 21, 2019
 Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij Xiiso leh oo Telefishinka Channel 4 uu ...