Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Afur u Sameeyay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa afur u sameeyay golaha abwaannadda Soomaaliyeed.

Kulanka afurka ah ee Ra’iisul wasaare ku-xigeenku u sameeyay abwaannada ayaa lagu lafa guray kaalinta abwaannadu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, horumarinta bulshada iyo dhismaha dawladnimada.

Afurka uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku u sameeyay golaha ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada maaliyada iyo warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dastuurka.
Guddoomiyaha ku-xigeenka Golaha abwaannada Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Maxamed Weheliye, ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga mahad celiyay afurka uu u sameeyay golaha, waxa uuna ka sheekeeyay dadaalka abwaannadu ay soo geliyeen dhismaha dawladnimada iyo dib-u-heshiisiinta.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka iyo wasiirka maaliyadda ayaa labaduba ka hadlay kulanka afurka ah uu Ra’iisul wasaare ku-xigeenku u sameeyay golaha abwaannada Soomaaliyeed, waxa ayna ka sheekeeyeen kaalinta dowrka abwaannada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhismaha dawladnimada iyo wacyi gelinta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in abwaannadu ay kaalin muhiim uga jiraan bulshada, hal abuur, dhaqan suuban, suugaan iyo ruwaayado ay ku cabbiraan dareenka shacabka

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Baroordiiq |Xaaskayga
- Jul 20, 2019
Xaaskaygu isku Xirfad ayaan ahayn waxay igula kaftami jirtey “Caafimaadka waxaan u Bartay inaan Bulsho badan ...
DAAWO MUUQAAL: Muuse Biixi Oo U Soo Hanjabay Farmaajo+Dagaalka Cusub
- Jul 20, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=RX4twNhcDlk
TOP DHAGEYSO: Xildhibaannada Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ka Hadlay Markabkii Xoolaha+Dagaal Siyaasadeed
- Jul 20, 2019
Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ...