Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dawladda Kenya oo Dhaqaalle Xoogan ku bixisay Muranka Badda Soomaliya

Dawladda  Kenya  ayaaa dhaqaalle xogan ku bixisay  Kiiska Muranka Badda eek ala dhexeeya Dawladda Soomaaliya, iyadoo Qareennada labada dhinac u doodaya ayaa la sheegay inay yihiin kuwa helaya faa’idada ugu badan ee dhaqaale, Xilli kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu marayo meel xasaasi ah.

Wargayska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa Qoray  dowladda Kenya ayaa lacago malaayiin doollar ah ku bixisay kiiska muranka xuduudda dhanka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, Iyadoo  Wasaaradda maaliyadda ee dalka Kenya ay ku bixisay lacag dhan Ksh300 oo milyan oo shilinka Kenya ah taasi oo u dhiganta 3 milyan oo doolar.

Sida ku cad qiyaasta miisaaniyadda sanadkan dowladda Kenya ayaa kordhinaysa lacagaha dhanka sharciga oo imika ah 1.7 bilyan oo shilinka Kenya ah, waxaana sanadkan la gaarsiinayaa 2 bilyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 20 milyan oo doolar.

Maxkamadda caalamiga ah ee (ICJ) ee fadhigeedu yahay Hague ayaa qaadaysa dacwad dhanka badda ah oo ay dowladda Soomaaliya u gudbisay 2014, ka dib markii ay guldareysteen wadaxaajood labada dhinac u dhaxeeyay.

“Waxaa la kordhiyay lacagaha dhanka sharciga ee lagu difaacayo calaamadeynta xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaa sidaasi lagu sheegay qiyaas miisaaniyadeed toddobaadkii aanu soo dhaafnay loo gudbiyay baarlamaanka Kenya.

Xukuumadda Nairobi ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in go’aanka xudduudda lagu salaynayo tii la jaangooyay xilligii gumaystaha ee dhanka bari.

Balse Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in xadka lagu salaynayo dhanka Koonfur bari iyada oo la eegayo xudduuda dhanka dhulka.

Kiisaska muranada ee la geeyo maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaaristooda waxay qaadataa muddo sanado ah.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay Gudi Qaabilsan Wada hadalka DFS iyo Somaliland
- Jul 17, 2019
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ...
TOP DAAWO: Somaliland oo ku hanjabtay inay Xajka ka harayso haddii Baasaboorka Somalia…..
- Jul 17, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=N2BS-cTzbII
Akhriso: Qodobo Laga Soo Saaray Shir Xasaasi Ah Oo Ka Socday Garoowe
- Jul 17, 2019
Caasimadda Garoowe waxaan maanta lagu soo gabagabeeyay Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed ...