Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dr. Cali Khaliif iyo Somaliland “Faysal Rooble oo Maqaal Xiiso Leh ka Qoray, Iyo Waayihii ay soo wada mareen”

Dr. Cali Khaliif  Galaydh waa nin aan aad u qadariyo marka laga eego dhinaca aqoontiisa, tifatirka siyaasadeed uu bixiyo, iyo aqoonta af-Soomaaliga. Waxaan Dr. Cali aqaana ilaa 1990. Waxaanu isku baranay shirkii ugu horeeyay ee aasaaskii ERGO (Ergada Wada Tashiga Soomaaliyeed) oo Harisenburg, Virgina, lagu qabtay (1991, December).

Xiligaas marka laga bilaabo ilaa beridhawayto aad baanu u sheekaysan jirnay. Ilaa markuu Khaatumo u jabhadaynay waanu xidhiidhi jirnay.

Kohor, (1990dii illaa matkii uu geeriooday AU Ambassador Cumar Macalin) warar wax ku’ool ah ayaani isdhaafsan jirnay. Dr. Cali nin wargaleen ah ayuu noo ahaa oo runtii xiligi aanu socialmeida jirin ayaan Dr. Cali waran sugan la qaybsan jiray.

(1)  Dr. Cali hadaba, waligiis maanu qiray in uu marnaba taageeray gooni isutaagii Somaliland xiliggii Burco ama Boorame lagu shiray.

(2) Weligiisna muu qiran in jago uu ka raadsaday Soomaaliland hadeer Khaatumo ahaan ka hor.

Hadaba, warka Jawaan ninka layidhaa sheegay ee odhanaya Dr. Cali wuu taageray gooni isutaaga xiligaas waxaanu rabay in uu noqdo Prime Minister, haduu run yahay waxay u ekaanaysaa in Dr. Cali mudo 30 sano ku dhow marin habaabin aniga iyo intakale ee badan ay saaxiibada ahayn kula dhaqmayey. Warkaasi waa xaasaasi.

In uu hada isbadaly Dr. Cali anigu waxba kama qabo oo qofku mabdi’iyan Soomaaliya iyo Xamar wuu ka quusan karaa. Taasi waa la qaadan karaa, oo waxa uu ka la miyahay Sifir (AU), Ina Buubaa, Qaybe (AU) iyo kuwo kale oo badan oo halkaas iyo Hargeysa u xamaan gurtay.

Waxaase Dr. Cali u gaar ah arinta uu anagana si wax noogi sheegi jiray hadeerna warku sheegayo in Burco iyo Booramaba uu adeecay gooni isu taaga Soomaaliland.

Waxaana Rajaynayaa inuu Dr. Cali Khaliif  yidhaahdo ‘ Jawaan ayaa arintaas iska samaystay.’

Siyaasadu waa halkeed,  Shaqsiyaduse (Integrity) waa shay aan la iibsan karin. Si sharaf lah, Cali arintaas ha iska mooso.

W/Q:  Faysal Cabdi Roobe

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. mahad says:

    Midkaan Geri Koombe waa nag nagle hadba meel isku qaada muxuu ka yaqaan Cali Khaliif wuxuu maqlay isku reer ayaad tihiin wuuba ku daba qabsaday maxaa ummad jecel inay dad aan aqoon inay isku soo caan bixiyan ku soo batay baraha bulshada

  2. Khayre says:

    Ali waa looser hypocrite ah jooji difaacisa waa uwada jeednaaye




ad

Latest News

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay Gudi Qaabilsan Wada hadalka DFS iyo Somaliland
- Jul 17, 2019
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ...
TOP DAAWO: Somaliland oo ku hanjabtay inay Xajka ka harayso haddii Baasaboorka Somalia…..
- Jul 17, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=N2BS-cTzbII
Akhriso: Qodobo Laga Soo Saaray Shir Xasaasi Ah Oo Ka Socday Garoowe
- Jul 17, 2019
Caasimadda Garoowe waxaan maanta lagu soo gabagabeeyay Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed ...