Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxwaynihii Hore ee Suudaan Dambiyo Culus lagu soo Oogay

Xeer illaalinta dalka Suudaan ayaa sheegtay inay danbiyo horleh kusoo oogtay Madaxweynihii xilka laga dajiyey ee Cumar Al Bashiir iyo qaar kamid ah saraakiishii la shaqeenaysay oo lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen dilalkii ay askarta u geysteen dadkii waday banaanbaxyadii looga soo horjeeday dowladiisa.

Cumar Al Bashiir ayaa xilka looga tuuray inqilaab militari 11kii April, kadib todobaadyo mudaharaadyo ay wadeen shacabka oo xiray wadooyinka waaweyn ee caasimada.

Dacwada iyo kiiska xeer illaalinta sheegtay inay kusoo oogtay Cumar Al Bashiir ayaan wax faah faahin ah laga bixin, iyadoo oo uu xafiiska xeer illaalinta horey u sheegay inay Madaxweynihii hore su’aalo ka weydiinayaan arrimo la xariira musuq maasuqa / lunsashada hantida Qaranka iyo Maalgelinta kooxaha argagaxisada ah.

Cumar Al Bashir ayaa hada ku xidhan xabsiga sida weyn loo illaalsho ee Kobar oo ku yaal magaalada Khartuum.

Warkan xeer illaalinta kasoo baxday ayaa lagu soo beegay xili ay Isniintii shalay militariga rasaas ooda uga qaadeen dadka weli sii wada mudaharaadka ee xiray wadooyinka Khartuum, waxaana la sheegay in ay dhaawacmeen ugu yaraan 10 qof oo rayid ah.

Militariga xilka la wareegay iyo ururada rayidka ah ayaa weli isku khilaafsan qaabka loo sii maamuli doono dalkaasi, iyagoo aan weli ku heshiin wakhtiga militariga xilka ku wareejinayo xukuumad shibil ah iyo awood militariga kusii lahaan doono xukuumada dalkaasi.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay Gudi Qaabilsan Wada hadalka DFS iyo Somaliland
- Jul 17, 2019
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ...
TOP DAAWO: Somaliland oo ku hanjabtay inay Xajka ka harayso haddii Baasaboorka Somalia…..
- Jul 17, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=N2BS-cTzbII
Akhriso: Qodobo Laga Soo Saaray Shir Xasaasi Ah Oo Ka Socday Garoowe
- Jul 17, 2019
Caasimadda Garoowe waxaan maanta lagu soo gabagabeeyay Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed ...