Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Buundo Wayn oo isku xiraysay Gobollada qaar ee dalka oo go’day

Wararka laga helayo Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan inay go’day Buundada deegaanka Ceel-gaal oo ka mid ah deegaanada hoostaga Magalada Baladweyne.

Buundadaas ayaa muhiim u aheyd isku-socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfureed iyo Waqooyiga Soomaaliya,waxaana Go’ida buundadaas xaqiijiyey dadka deegaanka.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Roobka Guga oo daadad wata uu ka da’ay deegaanada Waqooyi Bari ee Gobolka Hiiraan,daadadkaas oo keenay inay Go’do Buundada deegaanka Ceel-Gaal.

Qof ka mid ah dadka ku nool tuulada Ceel-Gaal ayaa Warbaahinta u sheegay in gebi ahaanba Buundada ay burburtay,isla markaana aan la aqoonsan karin halkii ay ku taallay,waxana uu hadalkiisa intaasi ku daray in aysan jirin cid wax ku noqotay.

Dadka ku nool tuulada Ceel-Gaal ee Gobolka Hiiraan ayaa qaarkood waxa ay bilaabeen inay barakacaan,iyaga oo ka cabsiqaba in daadadka kasoo rogmaday Buundada inay waxyeelo gaarsiiyaan.

Waxaa gebi ahaanba Go’ay xilligaan isku-socodka dadka iyo Gaadiidka deegaano badan oo ka tirsan gobollada Koonfureed iyo Waqooyiga Soomaaliya oo gaadiidka ka dhex Shaqeeya ay marin u aheyd Buundadaas.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay Gudi Qaabilsan Wada hadalka DFS iyo Somaliland
- Jul 17, 2019
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ...
TOP DAAWO: Somaliland oo ku hanjabtay inay Xajka ka harayso haddii Baasaboorka Somalia…..
- Jul 17, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=N2BS-cTzbII
Akhriso: Qodobo Laga Soo Saaray Shir Xasaasi Ah Oo Ka Socday Garoowe
- Jul 17, 2019
Caasimadda Garoowe waxaan maanta lagu soo gabagabeeyay Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed ...