Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo AMISOM kala hadlay amniga gobolka Gedo

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir looga hadlayay arrimaha Amniga deegaanada Jubbaland waxa uu degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo kula yeeshay Saraakiisha  AMIOSM gaar ahaan kuwa Kenya ee ka howlgala gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa saraakiisha Ciidanka AMISOM kala hadlay sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen sugida amaanka deegaanada maamulka Jubbaland iyo in Ciidamada Jubbaland ay ka gacan siiyaan sidii deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo looga xoreyn lahaa.

Taliska ciidanka AMISOM ee Gobolka Gedo ayaa Madaxweyne ku xigeenka ka balan qaaday in ay qayb ka qaadanayaan arimaha amaanka ee deegaanada maamulkaasi iyo sidii  Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada uu ka arimiyo maamulka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay inta uu ku suganyahay  Gobolka Gedo in isbedel uu ku samey doono saraakiisha amaanka iyo Maamulada Degmooyinka qaar si sare loogu qaado nidaamka Maamul ee Gobolka Gedo.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. c/qani says:

    Reer Gedo Gumeysi Mayeelaan??
    Ciidamada (Xabashida Iyo Kenya)
    Waykuqasaari Doonaan Joogitaanka Soomaaliya.

    Maamulka *Axmed Madoobe)
    Kismaayo Kadhisanna Waqti Khaldan Ayaa Lacaleemo Saaray Gaallo Ayaana Ku Shiqooshay!!! Darajo” Been Been Ah
    Kadibna Way Oogadhuunteen.

    Hadaba (Maxamuud Sayid Iyo Axmed Madoobe) Mawaxaay Awoodikaraan’
    Iney Shacabka Soomaaliyeed Kukhasbaan
    Joogitaanka Gaalaada Madoow Ee Xoogga Kujoogga Gobolada Jubooyinka??

    Hadaba Soomaaliweyn-neey Kadigtoonaada Axmed Madoobe Iyo Kooxdiisa (Xabsigii Itoobiya)
    Ee Sanadkii 2006-dii Ayaa Lagusoo Dhibaateeyey?? Wuxuuna U Muuqdaa In Uu ‘Odey Madoobe Qafaalanyahay??

    Wax Mas’uuliyad Ahna Maqaadikaro, Argagax Iyo Fulaynimo Ayaana Kamuuqata??

    Isagga Iyo Xaaf (Kiristiyaanka)
    Ayaa Nairobi’ Quraafaad Oogu Aqriya
    Madaxda Kooxda Suufiyada Ee Dhuusamareebna *Saldhigoodu Waa Nairobi.

    Sidaasi Darteed Kenya Waa Iney Dalkeebaana Kasoo Cayriso (Xaaf Iyo Suufiyada Iyo Axmed Madoobe)
    Hadiikale Kenya Sidii Itoobiya Ayay U Dumidoontaa”

    Inshaa Allaah.

  2. mahad says:

    Mahadsanid C/Qani intaa ay dad badan ay garan kari waayeen Maxamuud Sayid wax dan ah uma hayo reer Gedo in uu u hoosaasiyo Madoobe(maqaasiinka dhuxusha) iyo Kenyaatiga meesha ku haya reer Gedo wey seexdeen waxay ahayd inay iska dul qaadaan qashinka waaba nasiib daro in Maxamuud Sayid Gedo iska dhex socdo isagoo ah jaariyada Axmed Kenyaati waaba dabadhilif u sii noqo daba dhilif war wuxu gunsanaa war sida isu dhaama reer Gedo waa masiirkiina waxa uu Madoobe dabadhilif kula gorgortamayo dawlada dhexe iyo madaxdii ay dadka Soomaaliyeed doorteen isagoo ku yimid Taangi Kenyaati hore ayaan u maqli jiray doqonta iyo naagaha kama kacaan ninkeey legdadaan hada Madoobe dabadhilif walaahi wuu legdaday reer Gedo waa kane yaa ka kicin bal adba.




ad

Latest News

DAAWO MUUQAAL:-Madaxwayne ku xigeenka Midowga Yurub oo Muqdisho timid & Kulankii Khayre la yeeshay
- May 21, 2019
Madaxwayne Ku-xigeenka Midowga Yurub, ahna Wakiilka arrimaha dibada iyo Siyaasadda amniga Federica Mogherini ...
Kenya oo Viise Garoonka laga Siin jiray Masuuliyiinta Soomaaliya ka Joojisay
- May 21, 2019
Dowlada Kenya ayaa bilowday inay diido dal ku galka ama Visaha On Arrival ee ...
DAAWO MUUQAAL:- Soomaali Caruurta kala Cararay Ingiriiska oo Geeyay Kismaayo
- May 21, 2019
 Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij Xiiso leh oo Telefishinka Channel 4 uu ...