Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo beeniyey in uu fashil ku dhamaaday Shirkii Garoowe

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo weli ku sugan Magalada Garoowe ayaa beeniyey in uu fashil ku dhamaaday shirkii lagu kala tegay ee dhawaan Madaxda Dowladda iyo dowlad Goboleedyada ay ku yeesheen Magalada Garoowe.

Waxa uu sheegay in shaqsiyan isagu uusan qabin in u fashilmay shirkii Madaxda Soomaalida ee Magalada Garoowe oo aan wax qodobo ah kasoo bixin,isla markaana madaxdii ka qeyb gashay ay ku kala tageen.

Waxa uu rajo wanaagsan la muujiyey in markale dib la isugu soo laaban doono,waxaana uu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay wax badan ka sugayaan,isla markaana wax walba wadahadal iyo heshiis lagu dhameyn doono.

Mudo 7 Cisho ah oo xiriir ah ayaa Magalada Garoowe waxaa ku shiray Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad goboleedyada,shirkaas oo lagu kala tegay,iyada oo aan wax natiijo ah aan kasoo bixin.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. mahad says:

    Waare armaa habaar lagaala dul dhacaa hadalkaaga wuxuu falaadh xanuun badan ku yahay reero aan ogahay mas’uuliyada wataa in shacabka laga ilaaliyo xumaha wanaagana loo horseedo nimankii shalay lahaa Farmaajo iyo Kheyre ma rabaan inay nala hadlaan ayagaa ugu horeeyay kuwii goobta ka cararay markii ay 2dii ay eedeeyn jireen ay soo fariisteen goobtii kaaga darane mid baa xitaa dalkii ku hakan waayey oo ilaa Nairobi sii orday maxay taasi ku tuseysaa inuu u orday qolooyinkii dabada ka waday ee daaha gadaashii ka hagayey war heedhe qofku inta uu is qarin karo ayaa yar waxba Farmaajo iyo Kheyre yaan la xagxagan nin waqtigiisii dhamaaday kursiga kuma sii heyn karaan 2da nin waa rafashadii ugu dambeysay wax ay deegaanadii ay maamulayeen ay ka qabteen ma jirto waana laga soconayaa horaa loo soconayaa walaa beel caalam walaa imaaraat walaa Farmaajo iyo Kheyre ayaan kursiga idinku sii hayn karin cirka soo dumiya.




ad

Latest News

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay Gudi Qaabilsan Wada hadalka DFS iyo Somaliland
- Jul 17, 2019
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ...
TOP DAAWO: Somaliland oo ku hanjabtay inay Xajka ka harayso haddii Baasaboorka Somalia…..
- Jul 17, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=N2BS-cTzbII
Akhriso: Qodobo Laga Soo Saaray Shir Xasaasi Ah Oo Ka Socday Garoowe
- Jul 17, 2019
Caasimadda Garoowe waxaan maanta lagu soo gabagabeeyay Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed ...