Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dastuurka Somaliland ma la jiifiyaana bannaanbaa? MADAXWEYNE-NIMADUNA??? BY: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

Madaxaweyne-nimadiyoMaskabkiyo xilkaagubaMa muquunis uun baa?
Ma miskiinka darafkeeMuska reerka joogiyoMagantaada xidho baa?
Ma masaar afweynooMuruqmaalka liitiyoMaxasta uun jaraysaa?
Ma fallaadh mariidliyoMishigaan duryamayooMasalaha ag yaallaa?
Mise waaba miiniyoMadaafiicda goobtiyoMiliteri hariiryo leh?
Ma mas iyo abees iyoJilbis milil afuufooMadaxtooyo korisooMuska Xaraf ag jiifaa?

1) Ismaaciil Yare wuxuu yidhi “Anigu Muuse madaxweyne uma aqoonsani kuna odhan maayo”

2) Guri Barwaaqo: Waa ninkii aflagaadeeyey Mujaahid Sayyid Maxammed Cabdulle Xassan, kuna sifeeyey nin aan Muslim ahayn, sidoo kale dafiray taariikhdii daraawiishta oo ku tilmaamay wax aan jirin oo dhib mooyee aan waxba laga dheefin. Waa ninkii aflagaadeeyey hablaha Ciidagale oo weliba ka qoray buugga (Satanic Verses) ee waddanka khalkhalka gelin gaadhay ee mudahaaradyada iyo shiraraka Jaraa’id ee isdaba joogga ah sababi jirey ee qabiilooyinka madaxa isu gelin gaadhay. 

Madaxweynaha “Jamhuuriyadda” ma aqoonsani iyo 18ka May ma aqoonsani keebaa denbi ah, keebaanse ahayn? Keebaan dastuurka waafaqsanayn oo xadgudub ku ah, keebaanse ahayn?

Waa maxay sharciga qabtay Dhakool ee aan qaban labadan nin ee kale?

Ma Dhakool baa amniga khatar ku noqday oo dad kiciyey mise ninka buugga ku qoray aflagaadada ee qabiilooyinka foodda isu gelin gaadhay kana tallaabay xadkii anshaxa ee Soomaalida iyo kan Islaamkaba?

Siyaad Barraa xaqdarro samayn jirey ma sidanay dhashay?

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO MUUQAAL:-Madaxwayne ku xigeenka Midowga Yurub oo Muqdisho timid & Kulankii Khayre la yeeshay
- May 21, 2019
Madaxwayne Ku-xigeenka Midowga Yurub, ahna Wakiilka arrimaha dibada iyo Siyaasadda amniga Federica Mogherini ...
Kenya oo Viise Garoonka laga Siin jiray Masuuliyiinta Soomaaliya ka Joojisay
- May 21, 2019
Dowlada Kenya ayaa bilowday inay diido dal ku galka ama Visaha On Arrival ee ...
DAAWO MUUQAAL:- Soomaali Caruurta kala Cararay Ingiriiska oo Geeyay Kismaayo
- May 21, 2019
 Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij Xiiso leh oo Telefishinka Channel 4 uu ...