Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Baaq Dallada SONSA kasoo saartay Shirkii Garoowe

Dallada Bulshadda Rayidka ee SONSA oo horay loo oran jiray SOSCENSA kuna mideysanyihiin Ururada Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo Xirfadleyda, waxa ay walaac weyn ka muujinaysaa sida uu ku dhamaadey shirkii Garoowe oo runtii rajo badan laga qabey in hishiis laga gaaro khilaafka hogaamiyaasha dowlada federalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

SONSA waxa ay nasiib daro ku tilmaameysa in hogaamiyaasha siyaasada ee ku shirey Garoowe aysan marna ku xisaabtamin xaalada adag ee uu maanta dalka marayo, haddii ay ahaan laheyd arrimaha siyaasada, amniga iyo tan dhaqaale, waxeyna arintaas dhaawaceysaa rajadda ay bulshada ka qabeen hogaamiyaashaasha siyaasadda dalka.

SONSA waxa ay ka digeysaa in aragti kala duwanaashaha hogaamiyaasha siyaasada uu saameyn mugdi ah ku yeesho mustaqbalka ayaaha Soomaaliya, waxa ayna soo jeedineysaa in ay ka waantooban khilaafka ku dhisan aragtida shaqsiga oo ay kala qabaan, wax walbana lagu xalliyo sharciga dalka, isla markaasna la ixtiraamo doorka iyo kaalinta gollaha shacabka ku leeyahay waxyaabaha ay isku haystaan.

Waxaan aaminsannahay in khilaafka u dhaxeeya dowlada federalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada uu caqabad ku noqdey hannaanka dhismaha hay’adaha dowlada, mana la aqbali karo in uu sii socdo iyadoo xaalad adag lagu jiro.

Ugu dambeytii, Ururada Bulshada Rayidka, waxa ay ku baaqayaan in hogaamiyaasha dowlada federalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, shirka dib laysugu soo laabto iyadoo goobjoog ka naqonayaan ururada bulshada raydka._WABILAAHI TOWFIIQ _Osman Mohiadin Moallim 
Gudoomiyaha Dallada SONSA
SONSA Media Office
Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo magacaabay Gudi Qaabilsan Wada hadalka DFS iyo Somaliland
- Jul 17, 2019
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ...
TOP DAAWO: Somaliland oo ku hanjabtay inay Xajka ka harayso haddii Baasaboorka Somalia…..
- Jul 17, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=N2BS-cTzbII
Akhriso: Qodobo Laga Soo Saaray Shir Xasaasi Ah Oo Ka Socday Garoowe
- Jul 17, 2019
Caasimadda Garoowe waxaan maanta lagu soo gabagabeeyay Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed ...