Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ururka IGAD Oo Soo Dhaweeyey Dowladda Belgium Oo Aqoonsatey Baasabooradda Diplomaasiyiinta Ee Somalia

Urur-gobaleedka IGAD waxay shalay soo saareen Qoraal ay ku soo dhaweynayaan go’aankii ay Dowladda Belgium ku aqoonsatay Baasabooradda Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha ee Somalia.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Maxbuub Maalim waxa uu tilmaamay inay Tallaabadaasi tahay mid muhiim ah oo muujinaysa sida ay u kordhayso Kalsoonida ay Beesha Calaamka ku qabaan DFS iyo Hay’addaheeda.

Waxa kale oo uu xusay in Tallaabada Aqoonsiga Dowladda Berlgium ee Baasabooradda Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha ee Somalia ay aad u xoojin doonto Xiriirka labada dal iyo in Saraakiisha DFS fursad u heli doonaan inay la xiriiraan Hay’addaha Midowga Europe ee fadhigooda ku yaallo caasimadda dalkaasi ee Brussels.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Maxbuub Maalim waxa uu xusay in Aqoonsiga Belgium ee Baasabooradda Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaaha Somalia horseedi doonto inay aqoonsadaan Baasabooradda caadiga ee dalka Somalia.

Dhinaca kale, waxa uu ku booriyey dalalka kale ee haray inay aqoobnsadaan Baasabooradda ay DFS soo saartay iyo in ay taageero ka geystaan dedejinta Fiisaha ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Trump Oo Billad Abaalmarin Gudoon siiyey Askari Horey U Dilay Arday Soomaaliyeed
- May 23, 2019
Madaxweynaha Maraykanka ayaa waxa uu Billad ugu sarreysa Boliska dalkiisa guddoonsiiyey Askari lagu ...
Nin Isku Qarxin Lahaa Meel Munaasabad Ka Socotay Oo Gacanta Lagu Dhigay
- May 23, 2019
Wararka Kaimanaaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ...
Madaxweynaha Jubbaland Oo Booqday Baar-Sanguuni
- May 23, 2019
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday Deegaanada Baarsanguuni ...