Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Madaxweyne Deni oo Haygooda Ku Booqday Madaxweynihii Hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo RW Hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo arrimo shaqo u jooga dalka Kenya, gar ahaan magaalada Nairobi ayaa maanta hoygooda ku booqday Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Booqashada Madaxweynaha Puntland ee masuuliyiintan ayaa daaranayd salaan walaalnimo, wada dhalasho, xog-waraysi guud iyo ka warqabka musuuliyiintan oo doormuhiima ka qaatay dhismihii dowladda Puntland, iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaliya Xasan Abshir Faarax oo soo noqday Safiirada Dalalka Jabaan iyo Jarmalka u qaabilsanaa Soomaaliya ee xiligii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa mudooyinkii dambe xanuunsanayey Madaxweynaha Puntland oo hoygiisa ku booqdey ayaa Alle caafimaad uga rajeeyey, isla markaana Madaxweyne Deni ayaa hoygiisa salaan iyo u kuurgelid xaladdiisa ugu tegey Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Tani waa talaabo ka mida oofinta balanqaadyadii Madaxweyne Deni ee maalinkii xilwareejintii Madaxweynaha Janaayo, 14, 2019. Khudbad muhiima oo uu jeediyey Madaxweynuhu ayuu ku sheegay inay si dhow ula shaqayndoonaan Madaxdii dalka soo maamushay, isla markaana uu si dhow uga warqabidoono, talo ahaan, iyo nolol ahaanba.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO MUUQAAL:-Madaxwayne ku xigeenka Midowga Yurub oo Muqdisho timid & Kulankii Khayre la yeeshay
- May 21, 2019
Madaxwayne Ku-xigeenka Midowga Yurub, ahna Wakiilka arrimaha dibada iyo Siyaasadda amniga Federica Mogherini ...
Kenya oo Viise Garoonka laga Siin jiray Masuuliyiinta Soomaaliya ka Joojisay
- May 21, 2019
Dowlada Kenya ayaa bilowday inay diido dal ku galka ama Visaha On Arrival ee ...
DAAWO MUUQAAL:- Soomaali Caruurta kala Cararay Ingiriiska oo Geeyay Kismaayo
- May 21, 2019
 Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij Xiiso leh oo Telefishinka Channel 4 uu ...