Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Madaxweyne Ku-geenka Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe Ku Qaabilay Wefti uu Hogaaminayey Safiirka Dalka Yamen Ee Soomaaliya.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti ballaaran oo uu hogaaminayo safiirka dalka Yaman ee Soomaaliya Ambassador Fahad Ali Ahmed Al-Hinaq.
Weftiga Safiirka ayaa waxaa qayb ka ahaa Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Yaman Mudane Caarif Maxamed Cali, waxaana kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay weftigani ku wehelinaayey Wasiir Ku-xigeennada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda iyo Agaasime Ku-xigeeka Madaxtooyada dowladda Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha oo wafdigan si heer sare ah u soo dhoweeyay ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Yaman, gaar ahaan Puntland.
“Waxaa jira cilaaqaad ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yaman, khaasatan reer Puntland iyo Yamaniyiinta, inagoo isku dhow oo isku caadooyin iyo isku dhaqan ah, inagoo arrimo ganacsi inaka dhaxeeyaan, marka waxay u socdeen xiriirka inay sii wanaajiyaan, guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland”. Ayuu yiri Madaxweyne Karaash
Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in shirkooda ay ugu hadleen arrimo ay ka mid yihiin Qaxootiga Yamaniyiinta ah ee ku sugan gudaha Puntland, kuwaas oo ka soo qaxay colaadaha ka jira dalkooda, isla markaana ay isla-meeldhigeen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac.
Dhankiisa safiirka dalka Yaman ee Soomaaliya Ambassador Fahad Ali Ahmed Al-Hinaq ayaa ka mahadnaqay qaabillaadda wanaagsan ee uu kala kulmay Madaxda Puntland, isaga iyo waftiga ballaadhan ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi, waxaana uu Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ku ammaanay sida ay ugu gurmadeen walaalahood reer Yaman ee dhibaatada ballaaran ay soo wajahaday markii dalkoodu uu galay dagaallada sokeeye.
Safiirku waxaa uu hoosta ka xariiqay in Puntland ay u fidisay gurmad iyo dib u dejin walaalahooda Yaman, waxaana uu  sheegay in Yaman ay tahay garabka Soomaaliya, Soomaaliyana ay tahay Garabka Yamen.
Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyay booqashada waftigan ay ku soo gaareen Puntland, waxaana uu caddeeyay inay isla meel-dhigidoonaan dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee ay ka hadleen wafdiga Yaman.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Baydhabo ka furay Madasha Arrimaha Bini’aadninimada Dalka
- Jul 23, 2019
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo gaaray ...
DAAWO:-Gudigii Horumarinta Boosaaso oo dib xoriyadooda u helay.
- Jul 23, 2019
Waxaa maanta dib xoriyadooda u helay qaar ka mid ah xubnihii gudigga dayactirka wadada ...
Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug oo sheegay in Shirka la qaban doono Shanta Bisha Agoosto.
- Jul 23, 2019
Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo u xilsaaran qaabkii xal waara loogagaari lahaa khilaafaadka ...