Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Amray Hirgelinta Iyo Fulinta Xeerka Kufsiga

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray Hirgelinta iyo fulinta xeerka kofsiga, iyada oo la tixraacayo go’aankii kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumadda ee Khamiistii oo taarikhdu ahayd April, 17, 2019.

Xeerka kufsiga fulintiisa iyo maarayntiisa ayaa waxaa horay loogu magacaabay Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka, Cadaaladda, Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Danbi Baarista, Guddoomiyaha Guddiga Xuuqda Aadanaha iyo Guddiga Sare ee Garsoorka.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tixraacaya Qodobka 37-aad ee lagu aas-aasay Guddiga gaarka ah ee fullinta iyo Maraynta arrimaha la xiriira danbiyada kufsiga si waafaqsan sharciga ayaa waxaa guddigaas lagu xoojiyey Madaxtooyada iyo Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha.

Ugu dambeyntii Guddigan uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa ay u xilsaaaran yihiin qodobada hoos ku qoron

1. Hubinta iyo dabagalka fullinta xukumada kufsiga,

2. Maareynta iyo u kuurgelidda arrimaha ku saabsan kufsiga,

3. Baarista haddii ay jiraan waxyaalo dhiiri gelinaya ama cid ka danbeysa soo noqnoqoshada ficilka kufsiga ee dilku la socdo,

4. Dib u eegista iyo ka talo bixinta awoodaha iyo hanaanka shaqo ee Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha kufsiga.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DAAWO MUUQAAL:-Madaxwayne ku xigeenka Midowga Yurub oo Muqdisho timid & Kulankii Khayre la yeeshay
- May 21, 2019
Madaxwayne Ku-xigeenka Midowga Yurub, ahna Wakiilka arrimaha dibada iyo Siyaasadda amniga Federica Mogherini ...
Kenya oo Viise Garoonka laga Siin jiray Masuuliyiinta Soomaaliya ka Joojisay
- May 21, 2019
Dowlada Kenya ayaa bilowday inay diido dal ku galka ama Visaha On Arrival ee ...
DAAWO MUUQAAL:- Soomaali Caruurta kala Cararay Ingiriiska oo Geeyay Kismaayo
- May 21, 2019
 Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij Xiiso leh oo Telefishinka Channel 4 uu ...