Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Mohammed Khayat iyo ku-xigeenkiisa.

Kulanka oo muhiimad balaadhan u lahaa Puntland ayaa waxaa looga hadlay xidhiidhka ganacsi, siyaasi ee Puntland iyo dalka Sacuudiga, iyo sidii dalka Sacuudigu ay Puntland gacan uga siin-lahaayeen la dagaalanka argagixisada, Amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaana uu ku soo dhaammaaday guul iyo is afgarad.

Ambassador Dr. Mohammed Khayat ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla markaana waxaa uu bogaadiyey horumarka baaaladhan ee Puntland ku tilaabsatay waxaana uu xusay in Boqortooyada Sacuudi Arabia ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay Puntland uga samaynayso maalgashi balaadhan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in muhiimad balaadhan uu u leeyahay kulan kan Dowladda Puntland, khaasatan dhinacyada ka shaqaynta amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, isagoona Madaxweynuhu safiirka uga mahadceliyey qaabilaadda heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Safaaradda dalka Sacuudiga iyo is af-garadka buuxa ee laga gaadhay dhammaan arrimaha muhiim ka ah ee kor ku xusan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Trump Oo Billad Abaalmarin Gudoon siiyey Askari Horey U Dilay Arday Soomaaliyeed
- May 23, 2019
Madaxweynaha Maraykanka ayaa waxa uu Billad ugu sarreysa Boliska dalkiisa guddoonsiiyey Askari lagu ...
Nin Isku Qarxin Lahaa Meel Munaasabad Ka Socotay Oo Gacanta Lagu Dhigay
- May 23, 2019
Wararka Kaimanaaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ...
Madaxweynaha Jubbaland Oo Booqday Baar-Sanguuni
- May 23, 2019
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday Deegaanada Baarsanguuni ...