Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Golaha Dhexe ee Ururka ONLF oo shirweyne uga furmay Qabridahare

Golaha dhexe ee Ururka ONLF ayaa si rasmi ah waxa uu uga furmay magaalada Qabridahare Shiwaynihii 2aad, iyadoo ay kasoo qayb galeen madaxda ururka ugu sareeya iyo dhammaan xubnaha ururka ee deegaanka iyo dibadda ku sugan.

Sidoo kale waxaa shirweynahan ka qeybgalay Odayaal dhaqameedka degaanka.
Shir-waynahan ayaa lagu martqaaday dad badan sida xubno ka socday Ururka OLF ee Oromada iyo mari sharaf kale oo dibadaha ka yimid.

Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cisman ayaa si rasmi ah u furay shirweynahan wuxuuna ka hadlay Tasriikhdii dheerayd ee Ururku soo maray iyo halgankii qoriga ahaa ee uu soo maray Ururka ONLF, wuxuuna sheegay in Ururku halgankii uu sii wadayo oo uu hadda kaddib qalin ku halgami doono halkii uu waagii hore qoriga uu ku halgami jiray.

Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay inta shirkan lagu jiro maanta ilaa bari inay ururin doonaan aragtida dadwaynaha, isla markaana talada shacabka qaadan doonaan.

Guddoomiyuhu sidoo kale maamulka dawladeed ee Gobollada degaanka ayuu dhaliilo usoo jeediyay isagoo tusaale usoo qaatay socdaalkii uu Ururka ONLF dhawaan ku marayay qaybo kamid ah degaanka inay kusoo arkeen Hormar la’aan ka jirta degaanka iyo dawlad la’aan waa siduu hadalka u dhigay.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Top Dhageyso: Musharrixiin Kalsoonida Kala Laabtay Guddiga Doorashada Jubbaland
- Jul 19, 2019
Iyadoo maalinkii khamiista ee  shalay guddiga doorashada madaxtinimada Jubbaland ay soo saareen shuruudo adag oo la ...
TOP NEWS: Beelo Ka Soo Horjeestay Guddiga Dib U Heshiisiinta Galmudug
- Jul 19, 2019
Qaar ka mid ah waxgaradka maamulka Galmudug ayaa si weyn uga soo horjeestay Guddiga ...
TOP DAAWO: Farmaajo, Somalilandta uu la hadlayo waa middee?+Sir Culus
- Jul 19, 2019
Dood ayaa ka taagan Sida ay Wadahadal Midho-dhal ah u yeelan karaan DF-Soomaaliya iyo ...