Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Kusimaha Taliyaha NISA oo su’aalo adag lagu weydiiyay kulanka Baarlamaanka

Kusimaha Taliyaha Nabadsugida ahna Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa su’aalooyin adag lagu weydiiyay kulanka Baarlamaanka, kuwaasoo qaarkood jawaabo layaab leh ka bixin.


Fahad Yaasiin oo ka soo muuqday kulan looga hadlayay Arrimaha Ammaanka oo maanta u socoda Baarlamaanka ayaa wax laga weydiiyay arrinta xirnaanshaha waddooyinka, isagoo sheegay inuu yahay go’aan ka soo baxay Hey’addaha Amniga oo aan aheyn mid si gaar u quseeya Hey’adda NISA.

Sidoo kale Kusimaha Taliyaha ayaa la weydiiyay su’aalo kale, oo ka mid aheyd xariggii Mukhtaar Roobow, isagoo xusay in xarigaas aanan shaqo ku laheyn, waxaana mar la weydiiyay in sababta Maxkamad loo soo taagi waayay waxaa uu ku gaabsaday inay u taalo Hey’addaha Garsoorka.

Waxaa kaloo la weydiiyay arrimaha is bedelka Hey’adda NISA, kala diridii Ciidamadii hubeysnaa, kuwaasoo uga jawaabayay inay aheyd howlo dib u habeyn ah oo Hey’adda ku saabsaneyd.

Kusimaha Taliyaha NISA ayaa wax laga weydiiyay arrimaha mushaaraadka iyo xuquuqda ciidamada, isagoo ku gaabsaday in arrimahan laga weydiiyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti dhowrka, waxaase uu caddeeyay in dhammaan saraakiisha mushaar la siiyay oo aanay jirin cid xuquuqdooda ka maqan tahay.

Mr Fahad Yaasiin ayaa aad uga carooday su’aal shaqsi aheyd oo uu weydiiyay Xildhibaan lagu magacaabo Zakariye Gaashaan, waxaana uu ka dalbaday Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu Xildhibaanka raalli gelin ka bixiyo, maadaama su’aal gef ku ah isaga iyo Hey’adda uu weydiiyay.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Top Dhageyso: Musharrixiin Kalsoonida Kala Laabtay Guddiga Doorashada Jubbaland
- Jul 19, 2019
Iyadoo maalinkii khamiista ee  shalay guddiga doorashada madaxtinimada Jubbaland ay soo saareen shuruudo adag oo la ...
TOP NEWS: Beelo Ka Soo Horjeestay Guddiga Dib U Heshiisiinta Galmudug
- Jul 19, 2019
Qaar ka mid ah waxgaradka maamulka Galmudug ayaa si weyn uga soo horjeestay Guddiga ...
TOP DAAWO: Farmaajo, Somalilandta uu la hadlayo waa middee?+Sir Culus
- Jul 19, 2019
Dood ayaa ka taagan Sida ay Wadahadal Midho-dhal ah u yeelan karaan DF-Soomaaliya iyo ...