Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Bandhigga Wax Soo-Saarka Beeraha Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ka qayb-galay xuska maalinta bandhigga wax soo saarka beeraha Puntland, kaas oo ka qabsoomay magaalada Garoowe ayna soo qaban-qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is Badelka Cimilada dowladda Puntland.

Maalinta bandhigga dalagga Puntland ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda iyo qaar kamida beeralayda Puntland oo madasha ku soo bandhigay dalagyada ay beeraan oo noocyo kala duwan isugu jira.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka qayb-galka munaasabadan lagu xusayo wax soo saarka Puntland, waxa uu sheegay Madaxweynuhu inay beeruhu ahmiyad wayn dalka iyo dadkaba u leeyiihiin.

Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland oo tagay goobaha Beeralaydu ay ku soo bandhigayeen dalagyada kala duwan ee wax soo-saarkooda ayaa ka xog waraystay noocyada kala duwan ee ay soo bandhigeen, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana uu ku bogaadiyay shaqada ay qabteen, isagoo tilmaamay in Puntland ay tahay dhul hodan ah, gaar ahaan dhanka beeraha, isla markaana loo baahan yahay in shacabkeenu ay ka faa’iidaytaan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Amray Hirgelinta Iyo Fulinta Xeerka Kufsiga
- Apr 24, 2019
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray ...
DAAWO MUUQAAL:-Xisbiga Wadani oo Weerar ku Qaaday Imaaraadka, Kana hadlay Heshiiska Ucid iyo Kulmiye
- Apr 24, 2019
Xisbiga Wadani ayaa si kulul uga hadlay Heshiiska ay arimaha Doorashada ka wada ...
DAAWO MUUQAAL:-Faadumo Siciid oo Afka furatay, Arinta DP-World Iyo Berbera
- Apr 24, 2019
Faadumo Siciid oo kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga Wadani , ayaa khudbad dhinacyo badan ...