Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

C/raxmaan C/shakuur “Baarlamaanka waxaa sidaa loo yeelayaa, Wiil sidii Axmed Godane is qarinay”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in Baarlamaanka lagula kacay falal aan habooneyn, isagoo tusaale u soo qaatay in warbaahintii loo diiday kulankii Baarlamaanka ee maanta looga hadlayay dooddii Amniga la xiriirtay.


C/raxmaan C/shakuur ayaa weerar toos ah ku qaaday Kusimaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo maanta ka soo muuqday Kulanka Baarlamaanka, isagoo sheegay in isaga dartii loo yeelayo waxa ka socda Baarlamaanka.

Baarlamaankee? kan la leeyahay hal daqiiqo hadal, taleefanka demi, warbaahinta celi, ha waydiin hal su’aal ka badan, aamus ee fariiso, Waxaas oo idil na waxa loo yeelayaa wiil sidii Axmad Godane is qarinaya dartii”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Warbaahinta ayaa loo diiday inay maanta goobjoog ka noqoto kulanka Amniga looga hadlayo ee su’aalaha lagu weydiinayo Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Fahad Yaasiin oo horay u soo ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay Telefishinka Al Jazeera ayaa tan iyo markii uu siyaasadda ku soo biiray noqday nin iska qariya fagaarayaasha iyo Warbaahinta, taasoo lagu tilmaamay dhaqan ka duwan dadka siyaasadda ku jira, inkastoo uu yahay nin saameyn badan, hadana ficiladiisa qaar ayaa loo arkaa sida kuwa Kooxaha Islaamiyiinta qaar ee is qariya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Top Dhageyso: Musharrixiin Kalsoonida Kala Laabtay Guddiga Doorashada Jubbaland
- Jul 19, 2019
Iyadoo maalinkii khamiista ee  shalay guddiga doorashada madaxtinimada Jubbaland ay soo saareen shuruudo adag oo la ...
TOP NEWS: Beelo Ka Soo Horjeestay Guddiga Dib U Heshiisiinta Galmudug
- Jul 19, 2019
Qaar ka mid ah waxgaradka maamulka Galmudug ayaa si weyn uga soo horjeestay Guddiga ...
TOP DAAWO: Farmaajo, Somalilandta uu la hadlayo waa middee?+Sir Culus
- Jul 19, 2019
Dood ayaa ka taagan Sida ay Wadahadal Midho-dhal ah u yeelan karaan DF-Soomaaliya iyo ...