Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Madaxweyne ku xigeenka puntland oo shir deg deg ah ku qabtay madaxtooyada maxaa soo kordhay?

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Puntland oo ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirkan waxaa kasoo qayb galey maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Daraawiishta, PSF, Asluubta iyoTaliyaha qaybta gobolka Nugaal

Shirkan oo diiradda lagu saarayey amaanka guud ee Puntland iyo dhacdooyinkii foosha xumaa ee soo laa laabtay ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil.

“Maanta waxaa ka qabsoomey Madaxtooyada shirkii amniga Puntland oo lagaga hadlayey arrimaha ku cusub Puntland oo ay ugu horayso kufsiga in wax laga qabto, shacabkana lala wadaago meesha ay xaaladdu marayso”

“Shirkaas waxaa shir guddoominayey kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, shirkaasi waxaa uu u dhacay si wanaagsan, wax qabdkiisana waa la arki doonaa Insha Alla, shacabka reer Puntland waxaan la socod siinayaa in arrinta kufsiga si deg deg ah wax looga qaban doono”

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Amray Hirgelinta Iyo Fulinta Xeerka Kufsiga
- Apr 24, 2019
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray ...
DAAWO MUUQAAL:-Xisbiga Wadani oo Weerar ku Qaaday Imaaraadka, Kana hadlay Heshiiska Ucid iyo Kulmiye
- Apr 24, 2019
Xisbiga Wadani ayaa si kulul uga hadlay Heshiiska ay arimaha Doorashada ka wada ...
DAAWO MUUQAAL:-Faadumo Siciid oo Afka furatay, Arinta DP-World Iyo Berbera
- Apr 24, 2019
Faadumo Siciid oo kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga Wadani , ayaa khudbad dhinacyo badan ...