Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO MUUQAAL:-Madaxweyne Farmaajo “Banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleyno

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay banaan bixii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ka dhashay dilkii loo geydtay wiilkii bajaajlaha ahaa iyo qof la socday.

Hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay dhimashada labada dhalinyarada ah, isagoo tilmaamay in askarta looga baahan yahay inay shacabka naftooda difaacaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaca kale dhaliilay fal celintii ka dhalatay dhalinyarada la laayay ee ahaa banaan baxyadii ka dhashay, isagoo xusay in aan la aqbaleyn banaan bax aan sharciyeysneyn.

“Wax kastoo dhaca dowlad baad leedihiin, dowlad baad doorateen, annagu ma xoog baan ku nimid, anaga rabitaankiina ku nimid, qofkii wax tabanaaya ma aha inuu cadaalada iyo sharciga gacantiisa ku qaato, ma aha inuu bur buriyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, ma aha inuu gacan siiyo Cadawga aan la dagaaleeno ee Argagixisada ah, banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleyno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaan soo hadal qaadin dadka kale ee Shacabka ahaa ee iyana la dilay intii ay banaan baxyada socdeen, waxaana jira warar sheegaya in dadka ay Ciidanka booliska dileen ay gaareyso 4 qof oo uu ku jiray Wiil dhalinyaro ah oo u gargaari jiray dadka barakacayaasha ah.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Amray Hirgelinta Iyo Fulinta Xeerka Kufsiga
- Apr 24, 2019
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray ...
DAAWO MUUQAAL:-Xisbiga Wadani oo Weerar ku Qaaday Imaaraadka, Kana hadlay Heshiiska Ucid iyo Kulmiye
- Apr 24, 2019
Xisbiga Wadani ayaa si kulul uga hadlay Heshiiska ay arimaha Doorashada ka wada ...
DAAWO MUUQAAL:-Faadumo Siciid oo Afka furatay, Arinta DP-World Iyo Berbera
- Apr 24, 2019
Faadumo Siciid oo kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga Wadani , ayaa khudbad dhinacyo badan ...