Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Faah Faahin Diyaarado Duqeeyay Deegano U Dhaw Hargeysa.

Wararka Laga helay  Degmada Salaxley, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal  ay banbooyin holcaya ku tuureen dad reer guuraa ah oo degen cidhifka banka qool-caday oo ka tirsan degamada salaxlay oo qiyaastii 50 km u jirta Hargeisa.

Gudoomiyaha Degmada Salaxlay Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) ayaa u sheegay in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen jees reer guuraa ah iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmada.

“Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yidhi Gudoomiye Shiine.

gudoomiyaha degamada salaxlay waxaa uu sheegay inay goobtaasi ay tageen isla markaana ay soo arkeen hadhaaga hubkii ay diyaaraduhu tuureen iyo gubashada dhulkii ay ku habsadeen bambooyinku.
sidoo kale Xoolo dhaqato Geel ka waraabinayay ceelka Riigga ah banka qool caday oo lasoo xidhiidhay warbaahinta somaliland sheegay inay maqleen jug Culus, iyo uuro ka kacday goobta ay diyaaradahu beegsadeen, maadaama ceelka ay ka waraabinayeen xoolaha aanu ka fogayn meesha diyaaraduhu hubka ku tuureen.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Mas’uuliyadaas Waxaa Qaadaaya

    Maamulka Hargaysa Kataliya
    Sababtoo ah Waxay u ogalaadeen in at
    Dalal Shisheeye (Saldhigyo Milatari)kadhistaan, Magaalada (BARBARA) Taas Oo a Marmarsiiyo ugadhigeen inay Dekada Barbara Maalgalin kusamaynaayaan.

    Haba Waxay u muuqataa in ay *Militarigu Hubkooda Iyo Diyaaradahooda Ay Tababar iyo Tijaabooyin ay Samaynaayaan!!

    Waxayna Kutaba Baranaayaan “Dukhaynta Ceelasha Biyah Iyo Xoolaha Shacabka
    Kadibna Waxay Dhukhayn Doonaan Magaalooyinka Waaweeyn Sida (Hargaysa, Barbara, Burco)

    Sidaas Aawadeed Waa In SI Deg Deg Ah Loojoojiyo Dhismaha Saldhigyo Ciidamada Shisheeye Ee Barbara.

    Hadii Kale Sida Ay Ciidamada Kenya Hubkooda Ugu Tijaabiyaan
    Gobolada Koofureed Ayay Lamid Noqondoontaa Arrintu.

    Majirto Wax Sabab Ah Oo Ay kujoogikaraan Soomaaliya Ciidamo Noocii Aydoonaanba Hanoqdeene??

    5ta Soomaaliya Waa in Aysan Joogin Wax Shisheeye ah.

    Jabuuti ilaa Gaarissa.




ad

Latest News

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Amray Hirgelinta Iyo Fulinta Xeerka Kufsiga
- Apr 24, 2019
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray ...
DAAWO MUUQAAL:-Xisbiga Wadani oo Weerar ku Qaaday Imaaraadka, Kana hadlay Heshiiska Ucid iyo Kulmiye
- Apr 24, 2019
Xisbiga Wadani ayaa si kulul uga hadlay Heshiiska ay arimaha Doorashada ka wada ...
DAAWO MUUQAAL:-Faadumo Siciid oo Afka furatay, Arinta DP-World Iyo Berbera
- Apr 24, 2019
Faadumo Siciid oo kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga Wadani , ayaa khudbad dhinacyo badan ...