Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Wasiirka Horumarinta Norway

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta dalka Norway Dag-Inge Ulstein, ayaa kulan gaar ah ku qaatay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta Nowray ayaa looga hadlay isbedellada hay’adaha dolwladda Soomaaliya iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay waddo dawladda Soomaaliya si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiir Dag-Inge Ulstein ayaa isla soo qaaday baahida loo qabo in Soomaaliya lagu taageero qorshayaasha ay degsatay ee ku saleysan baahiyaheeda si loo hir-geliyo dhammaan qorshayaasha dawladda ay ka leedahay dhaqan-gelinta iyo ka mira dhalinta himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Norway ayaa qayb ka ah wadamada Soomaaliya ka taageera nabadayta, xasiloonida iyo barnaamijyada horumarinta.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Amray Hirgelinta Iyo Fulinta Xeerka Kufsiga
- Apr 24, 2019
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray ...
DAAWO MUUQAAL:-Xisbiga Wadani oo Weerar ku Qaaday Imaaraadka, Kana hadlay Heshiiska Ucid iyo Kulmiye
- Apr 24, 2019
Xisbiga Wadani ayaa si kulul uga hadlay Heshiiska ay arimaha Doorashada ka wada ...
DAAWO MUUQAAL:-Faadumo Siciid oo Afka furatay, Arinta DP-World Iyo Berbera
- Apr 24, 2019
Faadumo Siciid oo kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga Wadani , ayaa khudbad dhinacyo badan ...