Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AKHRISO:-Musharaxa Xildhibaan ee Jubbaland Maxamed Axmed Saneey oo ka war-bixiyay wax-qabadkiisa

Musharaxa Xildhibaan ee Dawlad-gobaleedka Jubbaland, gaar ahaana deegaanada gobalka Gedo, Maxamed Axmed Maxamed (Saneey) ayaa ka warbixiyay waxqabadkiisa, haddii uu ku guulaysto jagada xildhibaanimo ee Jubbaland.

Musharaxa Maxamed Saneey oo la soo xiriiray Warbaahinta Saadaalnews ayaa ii sheegay in sababta ugu weyn ee ku kaliftay inuu isu soo taago xilkaan ay tahay inuu aad ula murugooday xaaladda nololeed ee shacabka deegaanada uu ka soo jeedo ee Jubbaland.

Waxaa Musharaxu uu sheegay inuu aad ugu dadaali doono wax ka qabashada baahiyaha aasaaska u ah nolasha bulshada, isla markaana uu keeni doono isbedel dhab ah, kaasoo haddii la doorto ku baaqaya in 6dii bilood ee kasta ay shacabku la xisaabtamaan oo weydiiyaan wixii uu qabtay.

Musharaxa Xildhibaan ee Jubbaland Maxamed Axmed Maxamed (Saneey) waxaa uu intaas ku daray, haddii loo doorto Jagada Xildhibaan ee Jubbaland oo ay dhici weydo inuu wax ka qabto adeegyadii loo baahnaa ee Bulshada uu metelo, in uu xilka iska wareejin doono ama iska casilayo.

Musharaxa Xildhibaan ayaa haddii uu ku guulaysto doorashada sheegay in wax wayn ka qaban doono adeegyayada ay ka midka yihiin:- Waxbarashada, Caafimaadka, Sugidda Amniga, iwm, isla markaana uu wadatashi ballaaran la sameyn doono maamulada degmooyinka iyo gobalada deegaanka uu ka soo jeedo.

Waxaa Musharaxu sidoo kale uu sheegay in haddii uu ku guulaysto Doorashada, tallaabooyinka uu qaadayo ay ka mid yihiin:- Isku xirka bulshada, hirgelinta cadaaladda, shaqo ubuuritaanka, dariseyeynta bulshada, dib-usoo noolayta isbortiga iyo inuu Qurba-joogta ku dhiiri galiyo maalgashiga deegaanadooda.

Waxaa ugu dambayn Musharax Maxamed Axmed Saneey uu sheegay in haddii uu guuleysto doorshada uu ugu horeyntii aad ugu kuur-gelidoono xaaladda nololeed ee shacabka deegaanada gobalka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland, kaasoo xoogga saari doono sida ugu macquulsan ee uu wax uga qaban lahaa dhamaan baahiyaha muuqda ee ay qabaan.

Daahir F. Afdheere

Email.owsame1@yahoo,com

———————————————-

Saadaal.com

Saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Amray Hirgelinta Iyo Fulinta Xeerka Kufsiga
- Apr 24, 2019
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray ...
DAAWO MUUQAAL:-Xisbiga Wadani oo Weerar ku Qaaday Imaaraadka, Kana hadlay Heshiiska Ucid iyo Kulmiye
- Apr 24, 2019
Xisbiga Wadani ayaa si kulul uga hadlay Heshiiska ay arimaha Doorashada ka wada ...
DAAWO MUUQAAL:-Faadumo Siciid oo Afka furatay, Arinta DP-World Iyo Berbera
- Apr 24, 2019
Faadumo Siciid oo kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga Wadani , ayaa khudbad dhinacyo badan ...