Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay NewZealand

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee lagu qaaday dad Muslimiin ah oo ku tukanayay Salaadda Jumcaha Masaajidda Al nuur iyo  Lindwood ee Magaalada Christchurch ee dalka NewZealand, oo lagu dilay ugu yaraan 49 ruux, laguna dhaawacay dad badan 20 ruux, oo ay ku jireen caruur iyo dad da’ ah, fal dambiyeedkani naxdinta leh waxa uu ka qeyb yahay naceybka, mayal adeegga iyo islaam naceybka.

Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa oo ay caddeyneysaa inay garab taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka New Zealand, ayna tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha muslimiinta, iyadoo u rajaysay kuwa dhaawaca ah bogsasho iyo caafimaad degdeg ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Xukuumadda New Zealand inay samayso baaritaan guud oo ku qotoma falkani argagaxisada ee naxdinta leh, oo loo arko fal dambiyeed fuleynimo oo xun, una baahan mowqif islaami iyo mid dunida oo dhan oo mideysan oo looga hortago dhammaan howlaha argagaxiso iyo xagjirnimada halista leh.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Madaxda Gaalaada Iyo Kuwa
    Muslimiinta Karaliyaaba. Sababta Ay Magaas (Argagixiso) Ay
    Oogu Celcelinaayeen??

    Inuu Dhiigga Muslimiinta Kibir Lagu Daadiyo.

    Sababtoo Ah Mudo Aad Iyo Aad U Fog
    Ayay Madaxda Gaaladu Shucuubtooda Guubaabinaayeen!! Inay Muslimiintu Mudanyihiin Inla ‘Xasuuqo’

    Madaxda Dalalka Muslimiintuna Ay
    Kaqaybqaadanaayeen Bahdilka Xasuuqa
    Muslimiinta Balufiirso Xitaa (China)

    Xeryo Ayay U Samaysatay Ayku Daldasho!!
    Dadka Muslimka Ah.
    Hadaba Waataas Najiidadii Ay Dhashay
    Sheekadii Argagixiso Ladagaalanka agayd, Waxay Isubadashay Muslim Ladagaalan Oo Ahaa Micneheeda Runta Ah
    Laakiinse Doqoni maygaran??




ad

Latest News

DEG DEG Shirar Madaxtoyada+Axmed Madobe Dagalka Shabab+Weraro Puntland
- May 24, 2019
https://youtu.be/qo2ZwgUxFZQ
DAAWO MUUQAAL:-Madaxweynaha Jubaland oo maalinkii labaad booqasho kula jooga ciidamada jiida hore ku sugan
- May 24, 2019
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalinkii labaad booqasho kula ...
MUUQAAL:-Ra’isulwasaarihii Ingiriiska Theresa May Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Inay Is Casishay
- May 24, 2019
Ra’isulwasaarihii  dalka ingiriiska Theresa May ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqday in ay iska casishay xilka ...