Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AMISOM Oo Ku Dhawaaqday Qorshe Cusub Oo Ay Ku Wajahayso Dagaalka Alshabaab

Ciiddanka Ururka Midowga Afrika ee ku sugan  gudaha dalka Somalia ayaa la filayaa inay qaar ka mid ah Saldhigyadda Hawlgalladda ee Aagga Hore albaabadda u laabi doonaan dabayaaqadda bishan Feberaayo, kadib, marka 1,000 Askari laga dhimo tirada Guud ee Ciiddanka AMISOM.

Taliyaha Cusub ee Ciiddanka AMISOM, Jeneral Tigabu Yilma Wondimhnegen ayaa sheegay inay diiradda saari doonaan Hawlgalladda weeraradda ee bar-tilmaameedyadda hadafka ah, si looga  maarmo  Hawlgalladda ay Ciiddamadda faraha badan loo dirayo.

Tigabu Yilma Wondimhnegen  oo 2 toddobaad ka hor xilkaasi kala wareegay Jeneral Jiim Owesigyire waxa uu sheegay inay diiradda saari doonaan hawlgalladda Beegsiga ee wax loogu dhimayo Awoodda Dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana loogu diidayo inay si xor ah u fuliyaan Hawlgalladooda iyo dhaqdhaqaaqooda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay ka shaqeyn doonaan sidii loo xaqiijin lahaa Ammaanka ciiddamadda Saaxiibadda iyo Fulinta Hawlaha ay u idman yihiin.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. c/qani says:

    Sideebeey Kudhicikartaa In (Jenaraal) XABASHI* Ahi Uu U Hogaamiyo Ciidamo Soomaaliyeed??

    Isagoo Wakiil Ka Ah (Dalalka Reer Galbeedka Ama Yurub Iyo Maraykanka.

    Dadka Siyaasadda Kafaaloodaa Waxay Leeyihiin Qaabkii Ina Ileey” Ay Xabashidu U Adeegsanjirtay Tigreed-una
    Ay Dusha Oogamaamulijirtay!!
    Silamid Ah Ayaa Reer Galbeedku Ay Dowladda Soomaaliya (Dusha) Oogamaamulijirtay??

    Hadaba Su’aashu Waxaytahay Maqaabkii *Ins Ileey Uu U Xauuqay Shacabkii Soomaali Galbeed, Si Lamid Ah Ayaa Shacabka Soomaaliweyn Reer Galbeedka Iyo Itoobiya Iyo Kenya Loogardaduubaayaa??

    Oo Jenaraal Axmaar” Ah Miyaa Shacabkii Soomaaliyeed Iyo Dhaqankii Iyo Dhaqaalihii Iyo Diintii-ba Lagu Fasaxay?? Taasi ooysiidheertahay Iney Dalka Kusuganyihiin Ciidamo Shisheeye Oo Calooshood U Shaqaystayaal Ah.

    Waa’in Taariikhda Dibloomilicsdo
    *Halgankii Daraawiishta Ee Sayidku” Hogaaminaayay Waxaa Ingiriis-ka Lascday Oo Sayidka Ladagaalanka Ay!!

    Dad Diirka Soomaali Ka Ah Laakiinse (Ingiriisku) Uu Ku Adeeganaayay. Oo Xoriyada Soomaaliya Kasoohorjeeday.

    Hadaba Maamulkii Uu Doonno Hasheegto Ama Dowlad Hasheegto Ama qabaa’illo Hasheegto

    Ee Cidii Lasocota Dalal Shisheeye,
    Waa’uun (Ina Ileey Iyo Kuwii Sayidka) Kasoohorjeedaye Dalka Halaga Ilaaliyo??

    Ninka Xabashi Iyo Kenya Dalka Kadifaacaaya Waa Soomaali Dhab Ah Ee Halataageerro.

    Hadaba Fiiro Gaar Ah Halooyeesho Yaa
    Shisheeye Lasoda Yaase Kasoo Horjeeda??

    Miisaanka Waxlagu Cabiraayo* Waakaas.
    Sababtoo Ah Nin Waliba (Saxaafadda) Wixii Uu Rabo Ayuu Kasheegankaraa.

    Laakiinse Kalareebtu Waa Yaa (Reer Galbeed Iyo Xabashi Iyo Kenya) Kudaaban?? Ninkeebaase “Diidan Gumaysi Iyo Gaaloo Dhanba??

    Waa Su’aal Shacabka Soomaaliweyn Jawaabteeda Lagasugaayo????

  2. c/qani says:

    Ciidamadii Itoobiya Ee Uu Hogaaminaayay
    (Jenaraal Gabre) Eeqabsaday “Caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho

    Sanadkii 2006-dii

    Shacabka Soomaaliyeed Way Iska Xoreeyeen Halgan Dheer Oo Aykuwaayeen “Naf Iyo Maal Farabadan

    Ugudanbayntiina Mudo Kudhow (14) Afar Iyo Toban Kadibna Waxay Dalka Soomaaliya Intoodabadan Dalka Kaxoreeyeen (Jenaraal Gabre) Iyo Ciidamadiisi Iyagoo Niyad Jabsan Oo Cagajiid Ah Ayay “Adis Sababa
    Dib Ugu Huleeleen??

    Hana Sideebeey Kudhacday 14 Sano Kadib
    In Markale (Jenaraal Axmaar)
    Soomaaliya Dib Loogusooceliyo??

    *Oo Maxaa “Jenaraal Gabre Iyo Ciidamadiisii
    Ay Shacabka Soomaaliweyn Ula Dagaalamaayeen??

    Maxayse Kukala Duwanyihiin??
    Jenaraal Gabre Iyo Jenaraalkaan Cusub Ee Hadeer Soomaaliya Lakeenay???

    Oo Ma Dalka Soomaaliya Ayaa Nin Axmaar Ahi* Gobolada Soomaaliya Diinta Islaamka Kula Dagaalamaayaa?

    Oo Maxuu Noosheegaaya Dalbaan Idiin Xoreeyn Ayaa??
    Oo Madaxda Soomaaliya Iyagu Soo *Muslimiinta Kamid Ma’an??

    Maxaytahay Sababta Ay Ciidamada *Kiristiyaan Ka Ah Ay Diinta Islaamka Oogu Adeegsanaayaan?? Iney Kula Dagaalamaan??
    Wallaahi Waa Arrin Mucjiso Ah.




ad

Latest News

DAAWO:-Khilaafka Kenya iyo Somaliya oo Cirka isku Shareray+Kulamo Xasaasi ah Madaxtooyada.
- Feb 17, 2019
https://youtu.be/DADJEXPUZt0
MUUQAAL:-Mustafa Cagjar oo Jigjiga Kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Itoobiya
- Feb 17, 2019
https://www.youtube.com/watch?v=2obpuzeG72A
DHAGEYSO:-Afhayeenka XisbigaWaddani”Hogaaminta Muuse Biixi Waa Ta Ku Fikireysa Daaro Dhiso Dadkii Oo Abaaro La Il Daran”
- Feb 17, 2019
Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi ayaa waxaa uu si adag u dhaliilay ...