Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dagaal Cirka iyo dhulka ah oo lagu qaaday degmada Janaale Iyo Wararkii ugu dambeeyay

Wararka ka imaanaya degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay weerar khasaaro geystay oo lala eegtay Saldhig ciidamada Alshabaab ku leeyihiin Degmada Janaale.

Weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda weerar ku qaadeen deegaanka waxaana kadib xigay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka.

Alshabaab ayaa baahiyay inay iska caabiyeen weerar kaga yimid ciidamada ajaaniibta ah islamarkaana ay gacanta ku hayaan degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka waxaa ka horeeyay duqeyn xagga cirka ah iyadoo kadib weerar dhanka dhulka ah lagu qaaday degmada Janaale.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in weerarka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray xubnaha Alshabaab ee kusugnaa saldhiga degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Africa kaasi oo ay kaga hadlayaan weerarka ka dhacay Janaale.

Labadii Todobaad ee ugu dambeeyay waxaa kordhay weerarada xaga cirka ah ee kaga imaanayay Alshabaab dhanka Diyaaradaha Drone ee Mareykanka, Waxaana weerarkii xalay la sheegayaa inuu ahaa midkii ugu xooganaa oo ka dhaca Shabeelaha Hoose.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo baaq cajiib ah diray & halka uu u diray
- Sep 17, 2019
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ugu baaqay qowmiyadaha raadinaya ismaamulka hoose inay muujiyaan dulqaad ilaa ...
DAAWO:-Sh. Idiris oo ka Murugooday Musuqa iyo Ceebtii ka dhacday Soomaalidii Deeqda Waxbarasho ka helay Turkiga
- Sep 17, 2019
https://youtu.be/uMiJwjX_ZO4
DAAWO:-Loolanka Xilka Madaxwaynaha Galmudug oo Bilowday iyo Khudbadii Guutaale
- Sep 17, 2019
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaano ...